Qoyska Muwaaddin Xukuumadda Siilaanyo u Gacan-gelisay Jabuuti oo Codsi u diray Madaxwayne Geelle & Dhacdooyin Murugo leh oo ay la kulmeen – Daawo

Gebilay(Aftahannews):- Qoyska Muwaaddin Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo Xukuumadda Somaliland hore ugu gacan-gelisay Jamhuuriyadda Jabuuti,  ayaa Codsi qiiro leh u diray Madaxweynaha Jamhuuriyaddaas Ismaaciil Cumar Geelle, kaasoo ay ka codsadeen inuu Wiilka ka xidhan ee Xukuumadda Siilaanyo ku wareejisay u soo daayo oo xorriyaddiisa ugu soo celiyo si Soomaalinnimo leh.

Hooyada dhashay Wiilkaas Jabuuti ku xidhan, ayaa ka warrantay Dhacdooyin Murugo leh oo lasoo darsay intii uu Wiilkeedu xidhnaa iyo Carruurta uu dhlay oo iyaguna farriin u diray Madaxwaynaha Jabuuti, waxaannu hadalkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose oo laga duubay mar ay shalay Warbaahinta ugu warrameen magaalada Gabiley, ee Daawasho Habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Sommaliland.