ONLF oo Dawladda Soomaaliya ku eedaysay inay Sarkaal ka tirsan Ururkooda ku wareejisay Itoobiya – Daawo

Hargaysa(Aftahannews)- Ururka  Jabhadda ONLF ee ka dagaallanta Dhulka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay inay Sarkaal ka tirsanaa Ururkooda ku wareejisay Dawladda Itoobiya ee ay Urur ahaan dagaalka kula jiraan.

Waxay ONLF sheegtay in shalay  mas’uul sare oo ka tirsanaa Ururkaasi oo toddobaadkii hore laga qabtay magaalada Galakacyo ee xarunta gobolka Mudug ee Maamulka Gobollada dhexe ee Soomaaliya, Dawladda Federaalku u gacan-gelisay Dhiggeeda Itoobiya. ONLF waxay ku eedeeysay Dowladada Soomaaliya inay sarkaalkaasi u dhiibtay Itoobiya, taasi oo ONLF ku sheegtay arrin jabineyso xeerarka caalamiga ah iyo kuwa Soomaalida-ba.

Waxaannu Waraysi arrintaas la xidhiidha iyo sidii loo qabtay Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Cabdikariin Sheekh Muuse, xilka uu ka hayey Ururkaas iyo halka uu ku dambeeyey oo VOA la yeelatay Masuul ka tirsan Jabhadda ONLF, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.