“Arrintan ay wadaan Xukuumadda iyo Kulmiye mid Somaliland ku wada joogi karto maaha..” Aadan Dhoollayare

AADAN AXMED CILMI (DHOOLLAYARE) OO DHALLIILAY DHAQAN AY LA SOO BAXEEN XISBIGA KULMIYE IYO XUKUUMADDA SIILAANYO 30 AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Siyaasiga Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare), ayaa Dhalliilay Hab-dhaqan uu sheegay inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigeeda Kulmiye bilaabeen, kaasoo uu tilaamay dhaqan nidaamka dimuquraadiyadda Somaliland ku cusub oo ay ku kacayaan inay Dadka Xisbiyada kale taageera xidhxidhayaan oo ay cabbudhinayaan, qaarna lacag ku iibsanayaan, taasina ay dhibaato ku tahay nidaamka Xisbiyada badan iyo xaqa Shacabka Dastoorku u dammaanad-qaaday ee ah in Qof weliba Xisbiga uu doono taageero iyo midnimada Somaliland.

AADAN AXMED CILMI (DHOOLLAYARE) OO DHALLIILAY DHAQAN AY LA SOO BAXEEN XISBIGA KULMIYE IYO XUKUUMADDA SIILAANYO 30 AUGUST 2017

Aadan Dhoollayare oo Arbacadii Maanta Warbaahinta qaar kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ku sifoobeen Musuqmaasuq iyo maamul-xumo, tallaabooyinkan immika ay wadaanna yihiin kuwo dhibaatayn kara midnimada Bulshada iyo nabadgelyada Somaliland.

Siyaasiga Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare) oo Xukuumaddii UDUB xilal Wasiirnimo ka soo qabtay, wakhtiganna ka tirsan Saraakiisha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxaannu isagoo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka hadlaya, hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.