Berbera: Ganacsato Dhismayaal ka bilaabay Xabaalo Taariikhi ah, Dad ka hadlay & Aammuska Wasaaradda Diinta – Gudaha ka Daawo Warbixin

DHISMAYAAL LAGA BILAABAY XABAALAHA SAADADA MAGAALADA BERBERA OO GANACSATO BOOBAYSO 30 AUGUST 2017

Berbera(Aftahannews):- Qaar ka tirsan Ganacsatada Somaliland, ayaa dhismayaal ka bilaabalay Xabaalo ku yaalla magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, kuwaas oo ka mid ah Qubuuraha Taariikhiga ah ee sannadaha faraha badan lagu yaqaannay Berbera iyo Nawaaxigeeda.

DHISMAYAAL LAGA BILAABAY XABAALAHA SAADADA MAGAALADA BERBERA OO GANACSATO BOOBAYSO 30 AUGUST 2017

Xabaalahaas Dhismayaasha Gacantada kala duwani la sheegay inay ka bilaabeen, kuwaas oo loo yaqaanno Xabaalaha Saadada oo ku yaalla Xeebta magaalada Berbera, isla markaana weli laga saarin Lafaha Meydadkii ku aasnaa. Wasaaradda Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, ayaan weli Masuuliyiinteedu ka hadal arrintaas.

Haddaba, Warka ku saabsan Baloodhaynta iyo dhismayaasha laga bilaabay Xabaalaha Taariikhiga ah ee Saadada ee magaalada Berbera Qarniyada ku yaallay, waxaannu War uu ka diyaariyey Weriye Yaasiin Jaamac, isla markaana ay ka hadleen Odayaal iyo Dad kale oo Reer Berbera ah, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.