Xogo dheeraad ah oo ka soo baxay Sababta Saylici Shaqo-joojinta ugu Sameeyey Guddoomiyaha Gobolka Awdal & Cidda ka dambaysa

Hargeysa(Aftahannews):- Xogo dheeraad ah oo la xidhiidha Sababta uu Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Cabdiraxmaan-Saylici, Caawa Amarka Shaqo-joojinta ah ugu sameeyey Guddoomiyaha gobolka Awdal Mustafe-Shiine, kaas oo uu ku eedeeyey xil-gudasho la’aan, luminta Kalsoonida Bulshada Awdal dawladda ku qabaan iyo farogelinta arrimo Dhul la xidhiidha oo aanu Sharcigu u oggolayn, sida uu Saylici ku dooday.

Weli ma jiro War rasmi ah oo caawa ka soo baxay dhinaca Guddoomiyaha Awdal Mustafe-Shiine tallaabadan Madaxweyne Ku-xigeenka ka soo saaray. Hase-yeeshee, Weriyeyaal Aftahannews ka tirsan oo isku dayey inay la xidhiidhaan, isla markaana wax ka weydiiyaan amarkan shaqo-joojinta ah ee Madaxweyne Ku-xigeenku ku sameeyey iyo weliba eedaynta uu ku ladhay, balse noomay suuragelin inaannu War ka helno dhankiisa, ka dib markii aannu ku waynay Taleefankiisa gacanta oo aannu marar kala duwan oo Caawa ah wacnay, balse uu qaban waayey, mararna xidhnaa.

saylici iyo shiine

Balse, Shabakadda Wararka ee Wajaalenews, ayaa heshay xogo dheeraad ah oo ka soo baxaya sababta keentay in Madaxwayne ku xigeenka Somaliland shaqadii ka joojiyo badhasaabka gobolka Awdal Mustafe Shiine oo caawa wareegto ka soo baxday xafiiska madaxwayne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxwaynaha shaqadii uu qaranka u hayay kaga joojiyay.

Hadaba shaqo joojintan lagu maagay badhasaaabka gobolka Awdal Mustafe Shiine ayay xogahani tibaaxayaan in uu door muhiim ah ka qaatay wasiirkii hore ee xidhiidhka golayaasha Cali Xaamud jibriir oo dhawaan uun isagana xilkii wasiirnimo laga qaaday,waxaana Cali Xaamud Jibriir oo dhawaanahanba fadhiyay magaalada Boorama uu ku hawlanaa sidii uu u kicin lahaa xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Boorama,isaga oo xidhiidh hoose lalahaa madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici.

Ex.wasiir Cali Xaamud Jibriir ayaa isaga ay u suuro gashay in uu hanto maskaxda maayarka Boorama oo uu kula taliyay in dhul danguud ah lagu shaabadeeyo badhasaabka Gobolka Awdal si meesha uu uga baxo taas oo keentay in meel fagaare ah uu shir jaraa,id ku qabto isaga iyo qaar ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka Boorama sidaasna ay ku yagleeleen eedayn been abuur ah oo ka dhan ah badhasaabka Awdal Mustafe Shiine,waloow badhasaabka Awdal beeniyay.

Sidoo kale xogahani ayaa Tibaaxaya in si wada jira ay uga shaqeeyeen shaqo joojintan lagula kacay gudoomiyaha gobolka Awdal Cali Xaamud Jibriir oo adeegsanaya maayarka iyo xildhibaanada golaha deegaanka Boorama iyo sidoo kale Madaxwayne ku xigeenka Somalialnd C/raxmaan Saylici oo xidhiidh dhaw laleh Ex.wasiir Cali Xaamud Jibriir oo hawlo siyaasadaysan dhawaanahanba u joogay magaalada Boorama.

Cali Xaamud waxa shalay mar keliya lagu arkay isagoo u sacaba tumaaya kelidii Faysal Cali Waraabe uu dadweynaha gobolka Awdal ku booriyay inay dhulka danta guud ka ilaashadaan xukuumadda wakhtigeedu sii dhamaanayo, mar ay ka qayb galeen xaflad lagu caleemo saarayay Suldaan , haseyeeshee waxa isla markiiba Faysal isla xafladii ugu jawaabay Badhasaab Mustafe Shiine oo sheegay in dadweynuhu ay doorteen Xukuumada talada dalka haysa , xukuumaduna ay leedahay Madaxwayne iyo Badhasaab uu u igmaday shaqada oo dadka u ilaalinaya dantooda guud iyo dhulkaba, taasina ay dhalisay sida ay wararku sheegayaan in Cali Xaamud uu taleefon kula hadlo Madaxweyne Xigeenka, sidaasina uu go’ aanka shaqo ka joojintu u dhacday.

 

 

 

XIGASHO,WAJAALENEWS.NET.