Baahida Maanta ugu Xun ee Sanaag-Bari ka jirtaa waa Biyo La’aan Siyaasiyiinta ka soojeeda Deegaankuna Wax qabadkoodii…”

Hadaaftimo(AftahanNews):- Degaanada ku teetsan Bariga gobolka sanaag ayaa waxa laga soo sheegaaya biyo la’aan sameesay dad iyo xoolaba degaanada sida ba’an looga dareemayo biyo la’aanta ka jirta ayaa waxa ka mid ah Hadaaftimo xiingalool dhahar ceelbuh, Laasqoray iyo xarunta gobolka badhan qaar ka mid ah bulshada ku nool degmada hadaaftimo ayaa qadka telfoonka kula soo xidhiidhay  Wargeeska Xog-ogaal oo sheegay in baahida manta ug daran ee ka jirta bariga sanaag ay tahay biyo La’aan

hadaftimo1

mid ka mid ah wax garadka magalaada hadaaftimo ayaa isgu xog-ogaal u sheegay in degaanka bariga sanaag ama gobolka badhan ay iloowday xukuumada Somaliland   isla markaana bulshada ku nool degaankani cabasho kasta oo ka soo yeedha anay dhag jalaq usiin xukuumadu waxna ka mid ah hadaladoodi

“manta walaal waxa ug daran ee nahaysta waa biyo la’aan xun oo ka jirta hadaaftimo iyo degaanada kale ee bariga gobolka sanaag dadkii iyo xoolihiiba biyo la’aan ayaa haysa taas oo sabab u ah degaanku ma leh wax riigag ah ama celal laga cabo biyuhu waa nolasha kowaad ee Noolaha hadaaftimo waxa looga soo dhaamiya ceel u jira 30 km oo biyo yarood ah foostada biyaha waxa ay manta laga siinya magaalda hadaaftimo 8 dollar marka walaal xukuumadayda Somaliland waxaanu ka cod sanayna inay wax nagala qabato baahida biyo la’aneed ee ka jirta degaanka “

Mar aanu waxa ka waydiinay in ay la soo xidhiidhay wasaarada biyaha Somaliland ama waxa ka og tahay biyo la’aanta ka jirta degaanka sanaag bari ayaa waxa uu noo sheegay mid ka mid ah cuqaasha bariga sanaag kuna sugan magaalada hadaaftimo

“may cid nala soo xidhidhay ma jirto hadii ay tahay wasaarada biyaha iyo wasaarada kale toona gobolkan masuuliyiinta ka soo jeeda ee ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa curyaamiyay oo maanta gobolkan ka gadoomiyay Somaliland inteeda kale waayo masuul kasta oo xil ka haya somaliland  waxay ku soo galaan degaanka inay wax qabad ka fulinyaan degaanka taasina waxay noqta dhawarka cisho ee ay joogan in dadka ku qanciyaan balase markay ku noqdaan hargaisa ayaa ug danbeesa degaanka iyo hadalkiisba taas waxa ku cadeenysa tan iyo dawaladii riyaale dhagax dhig uun ayay wadeen dhagax dhigaasna lagama dhabeeyo dawaldan siilaanyo hagu dhagax dhigis badnaate baahida anga noogu daran waa biyo “sidoo kale mar aanu waxa ka waydiinaya mashaariic uu wasiirku gashaandhiga Somaliland ug tala galay sandkan

“wasiir cadamina marka uu yimaado degaanka dhagax uu meel dhigo mooye waxa kale kuma soo kordhiyo wasiirka biyaha waxaanu ka codsanyana madaabu uu shaqadiisu tahay biyo inuu waxa ka qabato baahida biyaha ee ka jirta degaanka waana wasiir ka soo jeeda gobolka sanaag “

Qayalo dhaantan biyo la’aaneed ee ka soo yeedhaysa bariga gobolka sanaag ayaa waxay tahay baahida ug balaadhan ee haysta bulshada ku nool gobolkaas oo ah gobolka ug bariyeesan Somaliland balse xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo madaxwayne axmed maxamed silaanyo balan qaadayo u samaysay degaankaas isla markaan sheegtay tan iyo markii ay ku guulaystay talada dalka inay wax ka qaban doonto baahiyaha ka jira sanaag barri hadii ay tahay biyaha cafimaadka , waxbarshada,wadooyinka iyo in la gaadhsiiyo dawaldanimada isla markaana misaaniyada qaranka ug dartay 2% loo qoondeyay Sanaag Barri ,Sool Iyo Buhoodle balse saddex sano iyo badh ay xukuumadu talada dalka hayso ayaan wax muuqda ka qaban degaanda oo maanta hamuun u qaba inay mar uun arkaan nidaam dawaladeed oo ka shaqeeya degaanka sanaag bari waa dhulka ug balaadhan ee gobolka hadana waxay ku jiraan gadoon Somaliland inteeda kale

 sanaag barri inta badan waxa isku haysta siyaasiyiinta Somaliland iyo puntland ku jira ee ka soo jeeda degaanka balse masuul kasta oo ka soo jeeda sanaag oo maalinta uu xil qabto maalintaas ayaa ug danbeesa baahiyaha ka jira degaanka uu ka soo jeeday maanta wasiiro xildhibaano mareyayaal iyo xubno badan oo ku faama inay matlaan bulshada ku nool sanaag barri ayaa mid qudha tariikhida u gashay inuu wax qabad ka sameyay ama bulshada uu matalo wax u qabtay  balse waxqabadka inta badan ay ku famaan ayaa ah  in ka hargaisa jooga uu hanjabaad umariyo warbaahinta ka puntland xilka ka haya kaasina si lamid ah ugu soo hanjabo ka hargaisa jooga waxa ay isgu hanjabaana tahay degaanka midma maamul ku sheegayo

degaankan sanaag barri oo inta badan ay isku khilaafsanyihiin Somaliland iyo Puntland oo midba lee yahay waa dhul ka tirsan labadan maamul mar aanu waxa ka waydiyay mid ka mid ah aqoon yahanka degaanka oo ku sugan magaalda hadaaftimo waxa sababay in Somaliland iyo puntland isku khilaafaan ama midba ka kale ku eedeeyo inuu fargalin ku hayo degaano ka mid ah waxa uu yidhi

“Waa Laba nooc Somaliland waxay ku sheeganysa xuduud iyo sharci Puntland waxay ku doonysa Isir keeba hadaba sharci ah oo maanta dunidan ay dawaladuhu ka jiraan lagu kala saara waa xuduud dhulkan sanaag barri puntland oo aan jirin ayaa gumaystihii ingiriisku xududa mariyay balse fargalinta puntland ku hayso degaanka wax sababay xukuumda Somaliland ayaa sabab u ah oo  wax qabadka ay degaanda kale ka waddo ka reebtay hadii ay tahay cafimaadka biyaha,waxbarshada,wadooyinka iyo gaadhsiinta dawaldnimo Xukuumadu waxay dhagax dhigtay wadada loo sameenayo Gobolka sanaag sida la sheegayna wadadu waxay ku kooban tahay ceerigaabo sanaag barrina Gobolka waa 60%” masuuliyiinta ka soo jeeda degaankaasi xil iskama saraan bulshada ay matalaan isla markaan

xukuumada ay kujiraana kulma xisaabtanto xilka ay qaranka u hayaan balse fariinta ay diryaan bulshada ku nool sanaag barri waxay madaxwayne axmed silaanyo ka codsanyaan inuu  soo eego isla markaana kula xisaabtanto cid ay xukuumadu waxa ug soo dhiibto ama uga wakiilka degaanka   

Aftahan News

Hargaisa/Somaliland