Somaliland: Laba kun iyo Shan Boqol oo Dhalinyar ah oo u tartamaya 45 Boos oo Wasaarad ka bannaan

Hargeysa(Aftahannews)- Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa qaadanaysa shan iyo afartan qof oo shaqaale ah oo ay Wasaaraddu naadisay, isla markaana ay u tartamayaan ku dhawaad laba kun iyo shan boqol oo ruux oo dhalinyaro ah, taasoo muujinaysa heerka shaqo la,aanta Somaliland ka taagan.

nnnn

Agaasimaha Maamulka iyo lacagta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cismaan Dube ayaa sheegay inay maanta ku ekayd naadintii shaqaalaha cusub ee ay qaadanayaan oo tiradoodu tahay 45 shaqaale ah oo ka kooban darajooyinka (A, B, C) si ay dhalinyaradda dalka ugu sameeyaan shaqo abuur.

Agaasimaha Maamulka iyo lacagta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cismaan Dube Waxa uu sheegay inay araajidoodii u soo xaraysteen in ku dhow laba kun iyo shan boqol oo dhalinyarro ah, waxaanu xusay inay Imtixaan lagu kala saarayo ay dhawaan ka qaadi doonto Hay’adda shaqaalaha dawladda.

Maxamed Cismaan Dubbe waxa uu sheegay inay tahay markii u horreysay ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ay qaadato shaqaale tiradaas leeg oo mar qudha la wada qaatay.

Waxay arrintani soo bandhigaysaa sida ay u badan tahay shaqo la aanta Somaliland ka taagan, maaddaama oo ay shan iyo afartan boos oo keliya laba kun iyo shan boqol oo dhalinyarada waddanka ahi u tartamayaan oo shaqo doon ahi.

Aftahannews.com

Hargeysa-Somaliland.