Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland oo Hawlgal Hor leh Bilaabay, una digay Gaadiidlayda

CIIDANKA NABDGELYADA WADDOOYINKA SOMALILAND OO HAWLGAL CUSUB BILAABAY 26 AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Taliska Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland, ayaa Sabtidii Maanta ka bilaabay Duleedka Hargeysa meel qiyaas ahaan 30 KM dhinaca Waqooyi-Bari kaga beegan Kaantarroolka Haleya ee Gaadiidka Beriga ka yimaaddaa ka soo galaan Hargeysa, ugana baxaan, gaar ahaan Jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera.

CIIDANKA NABDGELYADA WADDOOYINKA SOMALILAND OO HAWLGAL CUSUB BILAABAY 26 AUGUST 2017

Ciidammada Taraafikada, ayaa Baabuurta Jidkaa isaga gudbayey Shalay joojinayey, isla markaana ka jarjarayey Bacda Madoow ee Muraayadaha Daaqadaha Gawaadhida lagu xidho oo hore dawladda dhexe iyo Taliska Booliskuba u shaaciyeen in la mamnuucay, balse aan weli rasmi u hirgelin, waxay eegayeen Tayada Gaadhiga, Taayirrada uu ku socdo, heerka Xawaaraha iyo weliba Liisanka iyo Waddo-marista Gaadiidka ay Waddadaas kula kulmeen.

Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Somaliland ahna Afhayeenka Ciidanka Booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi, ayaa halkaas ay hawlgalka ka wadeen Warbaahinta qaar kula hadlay shalay, waxaanu yidhi; “Annaga oo fulinayna awaamiirta ka soo baxay dawladda dhexe, ta ka soo baxday Taliyaha Ciidanka Booliska oo intuba ay sheegayeen in Baabuurta laga jaro Bacaha Madoow (Beersoosha), ciddii jari wayda Bacaha waa dembi ciqaabeed oo Maxkamaddaa la hor-geynayaa. Intaa marka laga soo gudbo, waxaannu saaka (shalay subax) halkan u nimi inaannu ka shaqayno xaaladda Baabuurta, Baabuur kasta waa in xaaladdiisu wanaagsan tahay.”

Hawlgalkaas iyo sida ay Ciidammadu Gaadiidka marayey Jidkaas ee ay la kulmeen Maanta ugu bilaabeen iyo hadalka Taliyaha oo dhammaystiran, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.