Guddoomiye Cirro oo la kulmay Ergo isu abaabushay khilaafka Golaha Wakiillada

Hargeysa(Aftahannews)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland  Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta la kulmay Ergo Aqoonyahaniinta dalka ka tirsan oo qayb ka nonaya Ergada wadahadalka labada dhinac ee khilaafku u kala qaybiyey Golahaas oo ay kala hoggaaminayaan isaga iyo labadiisa ku xigeen.

ciro

Cabdiraxmaan-Cirro oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa markii uu kulanku u dhammaaday xubnaha uu la kulmay maanta, ka ka dib warbaahinta la hadlay.

“Ergo nooceedu anniga igu cusub yahay oo aqoonyahan iyo dhalinyaro ah, ayaa ii dhiibay qoraal ay ku tilmaamayaan inay jecel yihiin inay ku soo biiraan ergooyinkii hore ee hawsha Baarlamaanka ku jiray.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmana-Cirro.

Waxaanu Md. Cirro intaa ku sii ladhay oo yidhi, “Ergada barigii hore waxa gali jiray dad cumaamado iyo koofiyado sita, markaa waanu soo dhaweynaynaa aqoonyahankan. Annagu waanu aqbalnay ergadiina, waxaannu jecelnahay inaad qoladii kalena is wareysataan.”

Guddoomiye Cirro, waxa kale oo sheegay inay hore ugu yimaadeen iyaga oo ergo ah Abwaanada dalka qaarkood. “Waxa ergo ahaan hore noogu yimid Golaha Guurtida, waxa kale oo noo yimid ergo ay hogaaminayaan Abwaannadii qaranka oo ay hogaaminayaan Hadraawi, Xasan Ganey, Tarabi, Shaacir, Dacar iyo Abwaanno kaleba” sidaa ayuu yidhi.

Aftahannews.com

Hargeysa\Somaliland.