Dabley Weerartay Xaafad ku Taal Burco, Dad Argaggaxsan oo Hadlay & Afhayeenka Dablayda oo Hanjabay

DABLAY WEERARTAY XAAFAD MAGAALADA BURCO KU TAALLA KUNA HANJABAY INAY DADKA LAYN DOONAAN

Burco(Aftahannews):- Dablay Hubaysan, ayaa Jimcihii Maanta weerar ku qaaday Dad Shacab ah oo deggan Xaafadda Aadan Saleebaan ee magaalo-madaxda gobolka  Togdheer ee Burco, inkasta oo aan la sheegin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

DABLAY WEERARTAY XAAFAD MAGAALADA BURCO KU TAALLA KUNA HANJABAY INAY DADKA LAYN DOONAAN

Dad ka tirsan Dadka deggan Xaafadda Aadan Saleebaan ee Dablayda Hubaysani weerarka ku qaadeen Jimcihii Maanta, ayaa Warbaahinta la hadlay, isla markaana sheegay inay Dadka Xaafaddaas deggani Danyar u badan yihiin, Dadka weerarka hubaysan ku qaadayna yihiin Dad sheeganaya Dhulka ay deggan yihiin.

Waxaanay qaarkood eedayn u jeediyeen Maamulka gobolka Togdheer iyo Dawladda Hoose ee magaalada Burco. Mid ka mid ah Kooxda hubaysan ee weerarkaas qaaday, ayaa Warbaahinta la hadlay, isla markaana ku hanjabay haddii aan Dhulkooda Dadka deggan dawladdu ka rarin, sida uu hadalka u dhigay ay layn doonaan Cid kasta oo deggan Dhulkooda, sida uu ku dooday.

Haddaba, Ninka Afka Dablayda ku hadlay iyo Dadkaas Rasaasta Dablayda hubaysani ku weerareen oo iyagoo Argaggaxsan Qaarkood ka hadlaya sida wax u dhaceen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.