Guddiga labada Garab ee Golaha Wakiillada oo ka wadahadlay xalka khilaafkooda iyo sida kulankoodu u bilaabmay

Hargeysa(Aftahannews):- Guddi Xildhibaanno ah oo ay Shalay labada Garab ee Golaha Wakiillada Somaliland u qaybsamay, ka dib markii uu maalmihii ugu dambeeyey cirka isku shareeray khilaaf awood-qaybsi oo ka dhex-dillaacay shirguddoonka Golahaas, ayaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay, isla markaana sheegay in wadahadalka ay xalka khilaafkaas ku raadinayaan si fiican ugu bilaabmay.
Guddoomiyeyaasha Guddiyada ay labada Garab ee khilaafku ka dhex-taagan yahay iska xuleen shalay, ka dib markii ay Guddi dhex-dhexaadineed oo Golaha Guurtida ka tirsan, isla markaana isu-xil-qaamay xallinta khilaafka Wakiillada u soo jeediyeen inay si laba dhinac ah u wadahadlaan oo ay xal gaadhaan, ayaa maanta Warbaahinta warkooban ka siiyey kulankooda oo ay sheegeen inay si laba dhinac ah oo aan cid saddexaad ku jirin u wadahadleen.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ah Guddoomiyaha Guddiga Garabka labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Golaha Wakiillada Somaliland, oo ugu horreyn Warbaahintu wax ka weydiisay, ayaa sheegay in wadahadalku jewi fiican oo deggan ugu bilaabmay Guddiga uu Guddoomiyaha u yahay iyo Guddiga Garabka kale ee Guddoomiyaha Wakiilladu iska soo xuleen oo aanay cid saddexaad ku dhex-jirin.
“Labadayadii dhinac waan wada fadhinaa, cid na dhex fadhidaa ma jirto, annagaa hawshayadii wadanna, ajandahayaga ayaannu fadhiisinaynaa….” sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Garabka labada Guddoomiye Ku-xigeen Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caali (Cabdiraxmaan-Dheere).
Mudane Cabdiraxmaan-Dheere oo ka jawaabayey waxa ay isku fahmaan ama natiijada ay wadahadalkooda ka soo saaraan labada Guddi cidda ay u gudbinayaan, waxa uu yidhi; “Arrinta Golaha ayaa leh, cid naga sugaysa oo loo gudbinayaa ma jirto, Guurtidana hadday noo dhammaato waxaannu u gudbinaynaa inay noo dhammaatay.”
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dhinaca Guddoomiya Golaha Wakiillada, ayaa isaguna ka jawaabay su’aalo kooban oo ay Weriyeyaashu ka weydiiyeen kulankooda iyo sida uu ugu bilaabmay, waxaanu yidhi; “Labadayadii Garab waa wada joognaa, Golahana waxaan rejaynaynaa inaannu ku soo celinno Sharaftii iyo karaamadiisii, meel fiican bay wax noo marayaan.”
Xildhibaan Koore oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida ay isu fahmi karaan labadooda Guddi oo kala metelaya labada Garab ee Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha Goluhu u qaybsameen, waxa uu yidhi; “Cidda wadahadlaysaa waa Raggayagii siddeedda sano meesha wada joogay ee saaxiibbada ahaa, dhib naga dhaxaysaa ma jirto, taladana waannu isugu imanaynaa marka aannu gebogabaynana warka waannu idin siin doonnaa.” “Aad baannu isu uur-xaadhanaynaa, waana wadahadlaynaa saaxiibbano waannu nahay.” ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Koore.
Guddigan maanta wadahadalku u bilaabmay ayaa ka kooban 14 Xildhibaan oo ay laba dhinac oo isleeg isaga soo xuleen shalay labada Garab ee Golaha Wakiillada Somaliland u kala qaybsan yahay, labadaas Garab ee khilaafku kala qaybiyey oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo dhinac ah iyo Labadiisa Ku-xigeen oo kala ah Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf Axmed.
Khilaafka Golaha Wakiillada ka dhex-taagan oo heer gacan-ka-hadal iyo isu-awood-sheegasho gaadhay maalmihii toddobaadkan, ayaa ka soo bilaabmay isku-shaandhayn uu Cirro ku sameeyey Guddi-hoosaadyada Golaha, kaasoo uu cirka ku sii shareermay markii aqlabiyad Mudanayaashu ku ansixiyeen wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeer-hoosaadka Golahaas oo meesha ka saaray awooddii ay lahaayeen labada Guddoomiye Ku-xigeen, isla markaana awood dheeraad ah siinaya Guddoomiyaha, waxaanu khilaafkaasi keenay in dhinac waliba dhinaca kale isku dayo inuu awood ku muquuniyo, ka dib markii Garab waliba soo dhigay Golaha Mooshin ka dhan ah dhinaca kale.
Aftahannews.com
aftahaninc@gmail.com
Hargeysa/Somaliland.