Waa Sidee Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxtooyadu-se maxay ka tidhi?

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa ka hadashay warar sheegaya in xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aad u liitato iyo kuwo tibaaxaya in uu geeriyooday oo maanta la isla-dhexmarayey magaalada Muqdisho, isla markaana waxay sheegtay inay xaaladda Madaxdweynaha Soomaaliya caadi tahay, wax dhibaato ah oo uu qabaana jirin.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), ayaa beeniyay warar la isla dhex-marayay maanta magaalada Muqdisho oo sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu geeriyooday.
Ing. Yariisow ayaa qoraal galabta uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo been ah oo Madaxweynuhu uu caafimaad-qabo, dhawaanna uu dalka kusoo laaban doono. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa howlo caafimaad u aaday Turkiga toddobaadkan, iyadoo warar lasoo geliyay Muqdisho iyo gobollada dalka la isla dhexmarayay inuu culus yahay iyo inuu geeriyooday labadaba.
“Xaaladda caafimaad ee Madaxweynuhu way wanaagsan tahay mana qabo wax dhibaato ah.” ayuu qoraalka uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay maanta gelinkii dambe Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisaw), oo intaa sii raaciyey in Madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud uu maalmaha soo socda kusoo laaban doono dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.
Warka ku saabsan in Madaxweynaha Soomaaliya dhintay, ayaa waxaa si weyn looga dareemayay gobollada Puntland, Jubooyinka, Bay iyo Hiiraan, iyadoo hadalka Afhayeenku uu buriyay warkaas oo uu been-abuurka ku tilmaamay.
Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa isna sheegay in warka la isla dhexmarayo ee ku aaddan in Madaxweynuhu geeriyooday uu yahay mid been-abuur ah.
Wasiirka ayaa Carabka ku dhuftay inuu u xaqiijnayo in caafimaadka Madaxweynuhu uu yahay mid wanaagsan, isla markaana uu dhawaan dalka dib ugu soo laaban doono. “Ma ogi halka ay ka keeneen kuwa faafiyay warkaas been-abuurka ah, waa dacaayad cad.” Sidaa ayuu yidhi Wsiirka oo xusay in Mdaxweynaha Soomaaliya caafimaad qabo, isla markaana uu ku sugan yahay dalka Turkiga.
Hase-yeeshee, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaan sidii uu Turkiga u tagay aan ka hadal xaaladdiisa caafimaad iyo Safarkiisa Turkiga toona, isla markaana aan illaa hadda isagu ka hadal wararka ay Masuuliyiinta dawladdu Been-abuurka ku tilmaameen ee ka dayriyey noloshiisa.
Waa markii ugu horreysay ee Warkan oo kale soo baxo isaga oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Safar caafimaad dalka dibeddiisa ugu maqan tan iyo markii uu qabtay xilka Madaxweynennimo ee waddanka Soomaaliya.
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.

Guddiyada labada Garab ee Golaha Wakiillada oo ka wadahadlay xalka khilaafkooda iyo sida kulankoodu u bilaabmay
Hargeysa(Aftahannews):- Guddi Xildhibaanno ah oo ay Shalay labada Garab ee Golaha Wakiillada Somaliland u qaybsamay, ka dib markii uu maalmihii ugu dambeeyey cirka isku shareeray khilaaf awood-qaybsi oo ka dhex-dillaacay shirguddoonka Golahaas, ayaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay, isla markaana sheegay in wadahadalka ay xalka khilaafkaas ku raadinayaan si fiican ugu bilaabmay.
Guddoomiyeyaasha Guddiyada ay labada Garab ee khilaafku ka dhex-taagan yahay iska xuleen shalay, ka dib markii ay Guddi dhex-dhexaadineed oo Golaha Guurtida ka tirsan, isla markaana isu-xil-qaamay xallinta khilaafka Wakiillada u soo jeediyeen inay si laba dhinac ah u wadahadlaan oo ay xal gaadhaan, ayaa maanta Warbaahinta warkooban ka siiyey kulankooda oo ay sheegeen inay si laba dhinac ah oo aan cid saddexaad ku jirin u wadahadleen.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ah Guddoomiyaha Guddiga Garabka labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Golaha Wakiillada Somaliland, oo ugu horreyn Warbaahintu wax ka weydiisay, ayaa sheegay in wadahadalku jewi fiican oo deggan ugu bilaabmay Guddiga uu Guddoomiyaha u yahay iyo Guddiga Garabka kale ee Guddoomiyaha Wakiilladu iska soo xuleen oo aanay cid saddexaad ku dhex-jirin.
“Labadayadii dhinac waan wada fadhinaa, cid na dhex fadhidaa ma jirto, annagaa hawshayadii wadanna, ajandahayaga ayaannu fadhiisinaynaa….” sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Garabka labada Guddoomiye Ku-xigeen Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caali (Cabdiraxmaan-Dheere).
Mudane Cabdiraxmaan-Dheere oo ka jawaabayey waxa ay isku fahmaan ama natiijada ay wadahadalkooda ka soo saaraan labada Guddi cidda ay u gudbinayaan, waxa uu yidhi; “Arrinta Golaha ayaa leh, cid naga sugaysa oo loo gudbinayaa ma jirto, Guurtidana hadday noo dhammaato waxaannu u gudbinaynaa inay noo dhammaatay.”
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dhinaca Guddoomiya Golaha Wakiillada, ayaa isaguna ka jawaabay su’aalo kooban oo ay Weriyeyaashu ka weydiiyeen kulankooda iyo sida uu ugu bilaabmay, waxaanu yidhi; “Labadayadii Garab waa wada joognaa, Golahana waxaan rejaynaynaa inaannu ku soo celinno Sharaftii iyo karaamadiisii, meel fiican bay wax noo marayaan.”
Xildhibaan Koore oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida ay isu fahmi karaan labadooda Guddi oo kala metelaya labada Garab ee Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha Goluhu u qaybsameen, waxa uu yidhi; “Cidda wadahadlaysaa waa Raggayagii siddeedda sano meesha wada joogay ee saaxiibbada ahaa, dhib naga dhaxaysaa ma jirto, taladana waannu isugu imanaynaa marka aannu gebogabaynana warka waannu idin siin doonnaa.” “Aad baannu isu uur-xaadhanaynaa, waana wadahadlaynaa saaxiibbano waannu nahay.” ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Koore.
Guddigan maanta wadahadalku u bilaabmay ayaa ka kooban 14 Xildhibaan oo ay laba dhinac oo isleeg isaga soo xuleen shalay labada Garab ee Golaha Wakiillada Somaliland u kala qaybsan yahay, labadaas Garab ee khilaafku kala qaybiyey oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo dhinac ah iyo Labadiisa Ku-xigeen oo kala ah Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf Axmed.
Khilaafka Golaha Wakiillada ka dhex-taagan oo heer gacan-ka-hadal iyo isu-awood-sheegasho gaadhay maalmihii toddobaadkan, ayaa ka soo bilaabmay isku-shaandhayn uu Cirro ku sameeyey Guddi-hoosaadyada Golaha, kaasoo uu cirka ku sii shareermay markii aqlabiyad Mudanayaashu ku ansixiyeen wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeer-hoosaadka Golahaas oo meesha ka saaray awooddii ay lahaayeen labada Guddoomiye Ku-xigeen, isla markaana awood dheeraad ah siinaya Guddoomiyaha, waxaanu khilaafkaasi keenay in dhinac waliba dhinaca kale isku dayo inuu awood ku muquuniyo, ka dib markii Garab waliba soo dhigay Golaha Mooshin ka dhan ah dhinaca kale.
Aftahannews.com
aftahaninc@gmail.com
Hargeysa/Somaliland.