Cawayskii Masuuliyiinta 3-da Xisbi iyo Dadweynaha Ceerigaabo ee Hirdanka Ceelalyada Hanashada Codka

FAYSAL CALI WARAABE, MUUSE BIIXI CABDI IYO CABDIRAXMAAN MAXAMED CABDILLAAHI (CIRRO)

Ceerigaabo(Aftahannews):- Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID, Kulmiye iyo Waddani ahna Musharrixiinta jagada Madaxweynaha Saddexdaas Xisbi Faysal Cali Waraabe, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxmaed Cabdillaahi (Cirro) iyo Weftiyo ay kala hoggaaminayaan oo illaa Axaddii dorraad ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa Bulshada magaaladaas iyo deegaannada ku xeeran ku dhaqan siyaabo kala duwan ugu wacyigeliyey inay qaataan kaadhadhka codbixinta oo Sabtidii ka bilaabantay Sool iyo Sanaag.

FAYSAL CALI WARAABE, MUUSE BIIXI CABDI IYO CABDIRAXMAAN MAXAMED CABDILLAAHI (CIRRO)

Sida aannu ka soo xigannay Wargeyska Ogaal ee ka soo baxa Hargeysa oo Caddadkiisii Salaasadii Maanta soo baxay Warkan Daabacay, Gobollada Sool iyo Sanaag ee ay Sabtidii toddobaadkan ka bilaabantay hawsha Kaadh-qaadashadu, ayaa ah labadii gobol ee ugu dambeeyey gobollada Somaliland ee laga qaybiyo Kaadhadhka Cod-bixinta doorashada. Waxaanay Weftiyo ay kala hoggaaminayaan saddexda Musharrax Madaxweyne ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, hadallo dhiirrigelin iyo olole dadban ahba u jeediyeen Dadka deegaannada ay mareen ee labadaas gobol oo ay saddexdooduba ku horreeyeen gobolka Sool, uguna gudbeen gobolka Sanaag.

Warar Qoraal ah oo ka soo kala baxay Xafiisyada Warbaahinta qaabbilsan ee Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, ayaa lagu sheegay goobaha ay mareen Musharrixiinta labadaas Xisbi ee Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Cirro. Ugu horreyn Qoraalka ka soo baxay Xisbiga Kulmiye oo Nuqul ka mid ah xalay Ogaal helay, waxa uu u dhignaa sidan:-

“Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo kormeeray goobaha ay ka socoto qaadashada kaadhadhka cod-bixinta ee gudaha magaalada Ceerigaabo.

Murrashax Muuse Biixi oo ay wehelinayaan xubno wasiirro ah, siyaasiyiin, salaadiin, madaxda xisbiga ee gobolka Sanaag iyo saraakiil kale oo katirsan weftiga uu hoggaaminayo, ayaa kormeerkooda saaka kusoo maray tiro goobo ah oo ay ka socoto qaadashada kaadhadhku, waxana uu guddoomiyuhu u kuurgalay habsami-u-socodka ay hawshu u socoto iyo sida ay shacabku kaadhadhka u qaadanayaan.

Sidoo kale waxa uu murrashax Muuse Biixi Cabdi warbixin kooban oo ku saabsan sida ay hawsha qaadashada kadhadhka codbixintu u socoto ka dhegaystay xubno kamid ah shaqaalaha goobaha, kuwaas oo sheegay inay hawshu si wanaagsan u socoto, isla markaana ay shacabku qaadanayaan kaadhadhka codbixiyayaasha oo ka socota gobollada Sool iyo Sanaag.”

Sidoo kale, Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Wararka Xisbiga Waddani oo isna Nuqul ka mid ahi xalay soo gaadhay Wargeyska Ogaal, waxa uu u dhignaa sidan:- “Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminaayey ee ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag, ayaa saaka soo kormeeray qaabka ay u socoto qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixinta Doorashada oo maalmo ka hor ka bilaabmantay gudaha magaalada Ceerigaabo.

Murashax Cirro oo ay wehelinayaan saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, hoggaano, guddiyada fulinta, garabada dhallinyarta iyo haweenka heer qaran iyo heer gobal, ayaa dhammaantood ba mid mid u soo kormeeray goobaha diiwaan-gelinta ee Ceerigaabo, waxaana ay saraakiisha Komishanka ee gobahaasi ka xaal wareysteen sida ay u socoto qaadashada kaadhka diiwaan-gelintu.

Murashax Cirro oo markii dambe warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in shacabka Ceerigaabo ay si habsami ah u qaadanayaan qaadhka codbixinta Doorashada, waxaana uu cod ugu baaqey in ay ka faa’ideystaan fursadda qaadashada kaadhka codbixinta si baa uu yidhi uu dalka oodhan uga dhasho isbedal taama.” Sidaa aya lagu yidhi qoraalka Waddani naga soo gaadhay.

Inkasta oo aanu War Qoraal ahi ka soo bixin dhinaca Xisbiga UCID, haddana sida uu Wargeyska Ogaal Wararka ka imanayey Ceerigaabo ku helay, Guddoomiyaha ahna Musharraxa Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa Axaddii gaadheen Ceerigaabo, ayaa iyaguna shalay fagaarayaal kala duwan kala hadlay Bulshada Ceerigaabo iyo deegaannada ku dhadhaw, waxaanu Faysal kula dardaarmay Dadweynaha reer Sanaag inay qaataan Kaadhadhka Cod-bixinta si ay rabitaankooda u meel-mariyaan, isla markaana u gutaan waajibka dastuuriga ah ee ay xaqa u leeyihiin inay doortaan hadba Musharraxa ay Maslaxaddooda guud dal ahaan iyo dad ahaanba ka dhex-arkaan ama hoggaamin wanaagsan ku tuhmayaan ee waddaniyadda, midnimada, nabadda, horumarka adeegyada Bulshada, Aqoonsi-keenista iyo waxyaabo badan oo kale ku hoggaamin kara Somaliland.

Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa u muuqata Madal ay ku kulmeen Saddexda Xisbi Qaran ee Muxaafidka Kulmiye iyo labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani, halkaas oo u muuqata inuu mid waliba si miisaan siyaasadeed leh wax ugu shubto Quluubta Bulshada, una hanto Taageerada Dadka gobolkaas Taariikhiga ah ku dhaqan, waxaanay labada Xisbi Mucaarad mid waliba soo bandhigeyey Qorshaha siyaasadeed ee uu dalka ku hoggaamin doono iyo horumarka uu samayn doono. Halka ay Kulmiye iyo Xukuumaddiisuna ku tiraabayeen inay wax badan qabteen toddobada sano iyo dheeraadka ay Xukuumadda Siilaanyo ee Kulmiye talada haysay, isla markaana ay waxa dhiman fulin doonaan, wax cusubna qaban doonaan haddii mar labaad la doorto. Iyaga oo Masuuliyiinta saddexda Xisbi-ba siyaabo kala duwan xalay iyo habeen-hore ula caweeyey Waayeelka, Wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Reer Ceerigaabo, qaarkoodna shalay goobaha lagu kulmo kala shaaheeyey Dadweynaha, gaar ahaan Musharraxa Waddani oo Makhaayadaha qaar kala qaxweeyey Dad Waayeel iyo Da’yar-ba isugu jira oo ay ku sheekaysteen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.