“Wasiirka Madaxtooyadu wuxu yidhi; ‘Codkayaga Badhna waa Naqad, badhna waa Amaah..” Abiib Timo-cad

ABIIB DIIRIYE NUUR (ABIIB-TIMOCAD)

Ceerigaabo(Aftahannews):- Siyaasiga Abiib Diirye Nuur (Abiib-Timocad) oo hadda ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, balse xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland soo maray, ayaa sheegay in wax laga xishoodo uu yahay hadal uu Laascaanood ka jeediyey maalmo ka hor Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, kaasoo uu sheegay inuu ku khudbadeeyey in Kulmiye Codka uu doonayaa yahay badh naqad ah iyo badh amaah ah, siduu hadalka u dhigay Abiib.

ABIIB DIIRIYE NUUR (ABIIB-TIMOCAD)

Abiib-Timo-cad waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu shalay ka jeediyey magaalada Ceerigaabo oo uu ku sugan yahay Wefti uu hoggaaminayo Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cirro oo hawlaha wacyigelinta qaadashada kaadhka cod-bixinta doorashada ku jooga Sanaag, ka dib markii ay ka soo laabteen deegaannada gobolka Sool, labadaas gobol oo ay Qaadashada Kaadhka cod-bixintu ka bilaabantay Sabtidii toddobaadkan.

Waxa uu Abiib-Timo-cad oo naqdiyaya hadalka uu sheegay in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi ka sheegay Laascaanood, waxa uu yidhi; “Maalin dhawayd oo aannu joognay Laascaanood, Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu yidhi; ‘Codka qaarna waa naqdi qaarna waa amaah’. Wax laga yaqyaqsoodo miyaanay ahayn? Ma wax meel laga yidhaa baa? Ma wax Nin weyni yidhaa baa? Ma wax dawladi tidhaahdaa? Ma wax Wasiir yidhaahdaa? Codkayaga badhna waa naqad badhna waa amaah. Waxa (Dadka) innoo taliya waakaa arrinkoodu.”

Siyaasiga Abiib Diirye Nuur (Timo-cad) waxa uu hadalka Wasiirka Madaxtooyada ee uu naqdiyey ku sheegay mid muujinaya Miisaanka iyo Masuuliyadda heerka ay ka taagan yihiin Madaxda Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee maanta talada haysa, waxaanu yidhi; “Waxaas oo dhan waxaynu ku beddeli karnaa Ceerigaabooy in Kaadhka la qaato oo aynu Hoggaan wanaagsan oo inna haga oo Dadka innoo mideeya oo inna walaaleeya aynu ku dooranno.”

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.