Soomaaliya: Waa Maxay Saamaynta Taban iyo Ta Togan Ee Is-dhiibista Mukhtaar Roobow?

SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW ABU MAANSUUR OO MUQDISHO SHIR JARAA'ID KU QABTAY 15 AUGUST 2017 AFTAHANNEWS

Muqdisho(Aftahannews):- Sheekh Mukhtaar Rooboow (Abuur Mansuur) oo ka mid ahaa Hoggaamiyeyaashii ugu caansanaa Malleeshiyada hubeysan ee Al-Shabaab oo dawladda Soomaaliya kasoo horjeeda, ayaa laga dejiyey magaalada Muqdisho ka dib markii uu dawladda isu soo dhiibey Axaddii dorraad, isla markaana markii ugu horreysay Salaasadii Maanta oo ay taariikhdu ahayd 15-ka August 2017 Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho, kana hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay ka bixistiisii Al-Shabaab iyo isu-dhiibiddiisa dawladda Soomaaliya.

SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW ABU MAANSUUR OO MUQDISHO SHIR JARAA’ID KU QABTAY 15 AUGUST 2017 AFTAHANNEWS

Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuur Mansuur, ayaa laga soo duuliyey magaalada Xudur halkaasi oo isaga iyo Ciidammo la socda ay soo magangaleen Ciidammada dawladda ka dib markii weerarro is-daba-joog ah ay ku qaadeen dagaalyahannada Al-shabaab oo ka warheley wadahadallo la sheegey in ay u socdeen isaga iyo dawladda.

Waa kuma Rooboow?

Sheekh Mukhtar Robow wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii ururka Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ka dagaallameyso Soomaaliya. Wuxuu ahaa Taliye ku-xigeenkii Midawgii Maxaakiimta oo 2006-dii ka adkaaday isbeheysigii dagaal oogayasha Muqdisho.

Abuu Mansur Roobow wuxuu ka mid noqday hoggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay ka dib markii Maxaakiimtii laga saaray Muqdisho, dhammaadkii 2006-dii. Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka kooxdan, 2007-dii, isaga oo ka hadli jirey fagaarayaasha dadka la’isugu keeno iyo waliba Saxaafadda.

Laakiin, waxaa loo arkay in Rooboow uu xagga aragtiyada ka dabacsanaa hoggaamiyeyaashii kale ee mayalka adkaa ee Alshabaab, islamarkaasina ay ku jirtey waddaniyad sida la sheego.

Waxaa xitaa la sheegey in uu Rooboow ka qeybgalay shirkii Asmara ee la’isugu geeyey siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh aadan oo markii dambe dalka madax ka noqdey.

Rooboow iyo Al-Shabaab;

Khilaaf iyo madmadoow ayaa soo kala dhexgalay Abuu Mansuur iyo hoggaanka kale ee Alshabaab, waxaana la sheegey in go’aamo badan uu kaga horjeedsaday amiirkii Alshabaab ee dhintey Abuu Zubeyr. Abuu Mansuur waxa uu waligiisba haystay ciidamo u daacad ah oo beeshiisa u badan , isku gobolna ay kasoo jeedaan, kuwaasi oo isaga daacad u ahaa.

Iyada oo ay xaaladda sidaasi tahay ayuu ururka kasii mid ahaa, kana qeybgali jirey dagaalada iyo weerarada ay qaadaan, balse markii lasoo gaaray sanadkii 2013-kii ayay si toos ah isugu dhaceen Rooboow iyo hoggaankii sare ee Alshabaab.

Waxaa dhacday in Rooboow uu ciidamadiisa oo boqolaal ahaa dhinac ula goysto , kadibna galay dhulka miyiga ah ee Bay iyo Bakool, halkaasi oo uu kasoo jeedo, islamarkaasina si fiican u kala yaqaano deegaan ahaan iyo dad ahaanba.

Inkasta oo Alshabaab ay weerartay, qaarna dishey dhammaan hoggaamiyeyaashii ay kala aragti duwanaadeen sida Sheekh Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Afghan), Abuu Mansuur Al-Amriiki oo labaduba la diley iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo naftiisa la baxsaday, ayaysan jirin weerar rasmi ah oo lagu qaaday Rooboow, sababta ay dooniba ha lahaatee.

Cunaqabataynta Maraykanka;

Dowladda Maraykanka ayaa sannadkii 2012-kii Rooboow ku dartay liiska dadka aadka loo doondoonayo, waxaana madixiisa la saaray abaalmarin dhan $5 milyan oo doolar oo la siinayo qofkii nolol iyo geeri ku keena ama bixiya xog horseedi karta in lasoo xirro.

Balse, bishii lasoo dhaafay ayaa laga qaaday cunaqabatayntaasi, lammana bixinin wax faahfaahin ah sababta looga qaaday, balse waxaa la sheegey in arrintan ay ka dhalatay wadahadalo lala galay Rooboow, ayna shuruud u ahayd in uu dowladda kusoo biiro, kana laabto moowqifkiisii hore.

Maalmo ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan cunaqabataynta Maraykanka ee laga qaaday, dagaalyahanada Alshabaab waxa ay bilaabeen abaabul dagaal oo ka dhan ah Rooboow, waxaana dhacay dhawr dagaal oo qaarkood qasaare uu ka dhashay. Markii dambe dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ciidamo u dirtey meelihii uu joogay Abuu Mansuur Rooboow, gacana ka siiyay in uu iska caabiyo Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Federaalka Mudane Cabdirishiid, ayaa u safray magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay yimaaddeen Abuu Mansuur iyo Ciidammadiisa.

Rooboow, waxaa loosoo duuliyey magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu wadahadalo kula leeyahay madaxda ugu saraysa dowladda Federaalka, waxaana maalmaha soo socda la ogaan doonaa sida laga yeelayo aayihiisa.

Isa soo dhiibitaanka Abuu Mansuur Rooboow waa guul weyn oo usoo hoyatay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana jab weyn oo oo gaaray Alshabaab.

Waxa uu ka mid noqonayaa hoggaamiyeyaashii muhiimka ahaa ee Alshabaab ee ama la diley, isa soo dhiibey ama la hayo laga soo bilaabi hogaamiyihii koowaad Aadan Xaashi Cayroow, waxaana aad u yar shaqsiyaadka muhiimka ah ee la sheegi karo ee hadda ku haray Alshabaab marka laga reebo amiirka hadda u taliya.

Laakiin, Cidina kuma doodi karto in Alshabaab ay baaba’day, wali wax aka tirsan kumanaan dhalinyaro dagaalyahano ah, waxaanay awood u leeyihiin in ay qaraxyo iyo waliba weeraro ka geystaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Waxa ay wali haystaan gobolka Jubbada Dhexe oo dhan iyo degmooyin dhawr oo ka tirsan Jubbada Hoose, Gobolada Dhexe iyo meelo kale oo dalka ka tirsan. Balse, awooddooda sii wiiqmaysa iyo dadaalka ay dowladda ku jirto ee ay ciidamada ku dhiseyso ayaa muujin kara in hadda loosoo dhowaaday dhammaadka jiritaanka Alshabaab.

Xigasho BBCSomali.com.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.