Boqollaal Qof oo Ku Naf-waayey Daad Dhoobo ah oo Dul-maray Caasimadda Dalka Sierraleone

DAAD DHOOBO AH OO DUL-MARAY CAASIMADDA DALKA Sierraleone

Freetown(Aftahannews):- Dad ka badan illaa laba Boqol (200) oo Ruux, ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen Caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown, ka dib markii uu Daadad Biyo iyo Dhoobo ahi ku soo rogmadeen magaaladaas Isniintii.

DAAD DHOOBO AH OO DUL-MARAY CAASIMADDA DALKA Sierraleone

Mashaqadan dhacday saacadihii hore ee Isniintii shalay, ayaa timi ka dib markii ay Roobab Mahiigaan ahi saacado badan ku da’ayeen magaaladaas iyo nawaaxigeeda. Saraakiil Ciidammada Ammaanka Caasimadda Sierraleone ka tirsan iyo Dad Goob joogayaal ah, ayaa Warbaahinta u sheegay inay Dhoobada Daadka isu rogtay ka dhalatay qaybo ka mid ah Buur ku taalla deegaanka Regent duntay, isla markaana Biyo-mareennada ku dhawaa oo dhami isu-rogeen Webiyo Dhoobo ah oo socda.

Sinneh Kamara oo ah Farsamo-yaqaan ka hawlgala qeybta Qaboojiyeyaasha Meydadka ee Cusbitaal ku yaalla magaalada Freetown, ayaa u sheegay Warbaahinta dawladda dalkaas in Qaboojiyeyaasha oo Cidhiidhi ku ah ay ku qasabtay Shaqaalaha in Meydadka ay kaga tagaan iyagoo daadsan Dhulka.

Kamara waxa uu sheegay in tirada Dadka musiibadaas ku dhintay ay suuragal tahay inay badato. “Waxa suuragal ah inay tirada Dadka ku dhintay Masiibadan inta hadda la ogyahay ka sii badato, sababta oo ah, Dad badan ayaa Guryohooda Hurday markii Daadkan Dhiiqada ahi qaaday ee uu dulmaray Guryo badan oo Magaalada ka tirsan.” Sidaa ayuu yidhi Kamara.

Telefishinka dawladda Sierraleone, ayaa joojiyay baahinta Barnaamijyaddisii Caadiga ahaa isagoo u weeciyay Baahintiisa Gurmadka iyo tebinta Warbixinnada Mashaqadaas Dadka badan galaafatay. Dowladdu waxey magaaladaas ku daadisay Ciidammo Millateri ah oo gacan ka geysta hawlaha gurmadka deg-degga ah ee loo fidinayo Dadka ay ku dumeen Guryaha Daadka Dhoobada ahi dul-maray.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.