Mukhtaar Roobow Abu Maansuur oo Muqdisho la soo gaadhsiiyey Markuu Dawladda Soomaaliya isu soo dhiibay

MUKHTAAR ROOBOW ABU-MAANSUUR OO DAWLADDA SOOMAALIYA CIIDAMMO BADBAADIYA U DIRTAY 29 JUNE 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Mukhtaar Roobow Cali (Abu-Maansuur) oo ka tirsanaa Hoggaamiyeyaasha sare ee Kooxda Al-Shabaab ee Maraykanku Lacagta Malaayiinka Doollar ah Madaxooda dul-dhigay, ayaa Axaddii Maanta isu soo dhiibay dawladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho oo uu ka soo degay, ka dib wadahadal muddo u socday isaga iyo dawladda.

MUKHTAAR ROOBOW ABU-MAANSUUR

Diyaarad sidday Mukhtaar Roobow, ayaa Maanta ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, taasoo ka soo qaadday degmada Xuddur ee gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya, gobolkaas oo uu muddo saddex sano ku dhaw isaga iyo Ciidammo uu wataa ku sugnaayeen, ka dib markii ay is-khilaafeen Hoggaankii hore ee Al-Shabaab oo ay marar badan ku dagaallameen, bilihii u dambeeyey ee wadahadalladu u socdeenna dagaallo culus ay Al-Shabaab ku qaadday, balse Ciidammada dawladda Soomaaliya garab-siinayeen Roobow.

Mukhtaar Rooboow, ayaa la sheegay in ay socdaalkiisan ku wehlinayaan Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdillaahi Maxamed  iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad-sugida Qaranka Soomaaliya oo ka soo qaaday degmada Xuddur ka dib wadahadal dhaxmaray Roobow iyo mas’uuliyiinta dawladda oo bilihii sannad iyo badh kolba heeru marayey-ba u soo socday.

Abuu Mansuur oo ka goostay Al-shabaab, ayaa saakay isku dhiibay maamulka Koonfur-galbeed ee degmada Xuddur, ka dib weerar ba’an oo uu kala kulmay xoogagga Al-shabaab, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay kulamo dhaxmaraan mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda iyo Mukhtaar Rooboow oo mar soo noqday ku-xigeenka Amiirka Al-shabaab.

Amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay ka hor inta aysan soo gaarin diyaarada sidday Abuu-Mansuur. Dawladda Mareykanka ayaa horaantii sanadkan shaacisay in Mukhtaar Rooboow laga saaray liiska wax loogu yeero argagixisada, waxaana madaxiisa dul saarnaa oo lagu doon doonayay lacag dhan $5 Milyan oo Doollar.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia/Office.