Musharrax Faysal Cali Waraabe oo Sheegay inuu ka Fiirsanayo Xubinta Guddiga doorashooyinka ugu Jirta inuu kala baxo

MUSHARRAX FAYSAL CALI WARAABE OO KA FIIRSANAYA XUBINTA UGU JIRTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND OO UU FADHIID KU SHEEGTAY

Ceerigaabo(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay UCID ahaan Xubinta Guddiga doorashooyinka Somaliland ugu jirta ka fiirsanayaan inay kala baxaan iyo in kale.

MUSHARRAX FAYSAL CALI WARAABE OO KA FIIRSANAYA XUBINTA UGU JIRTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND OO UU FADHIID KU SHEEGTAY

 

Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey socdaal wacyigelinta qaadashada Kaadhka cod-bixinta doroashada ku marayey deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag oo ay Sabtidii toddobaadkan ka bilaabantay hawsha qaadashada Kaadhadhka cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, isla markaana Maanta hadal ka jeediyey Ceerigaabo oo lagu soo dhaweeyey, ayaa sheegay inay Guddiga doorashooyinku ku fashilmeen inay Xisbiyada ku hoggaamiyaan ku dhaqanka Xeerarka iyo Heshiiska Anshaxa hawlaha doorashada iyo kaadh-qaadashada ee ay saddexda Xisbi hore u wada saxeexeen.

“Komishanka (Guddiga doorashooyinka) waad aragtaan maanta siday u dhaqmayaan. Komishanka awood baa la siiyey ee waa inay awooddooda isticmaalaan. Xeer bay naga saxeexeen, Heshiis Anshax bay naga saxeexeen, mar haddaanay qabanayn (anshax-jebinta) oo aanay heshiiskaas anshaxa hagaajinayn (ku dhaqankiisa) oo ay socodsiin waayeen Komishankani ilama aha inay inna kala saarayaan, umana malaynayo (inay doorashada innagu kala saari karaan).” Sidaa ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaas Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay inuu ka fekerayo Xubinta Guddiga doorashooyinka uga midka ah, waxaanu yidhi; “Waxaannu doonaynaa inaannu dib u eegno Komishanka dhismihiisa sida loo sameeyey, Anigu waxaan ka fekerayaa Xubin baan soo magacaabaye inaan Xubintaydii kala baxo iyo in kale, waayo? Wax loo adkaysan karo maaha siday u shaqaynayaan.”

Hadalka Faysal Cali Waraabe oo uu sidoo kale ku sheegay inuu gobolka Sanaag ka xulan doono Musharrixiisa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo qodobbo kale-ba, waxaannu isagoo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.