Musharrax Cirro iyo Weftiisa oo Si Cajiib ah loogu Soo Dhaweeyey Ceerigaabo & Khudbad uu Jeediyey

XISBIGA WADDANI MUSHARRAX CIRRO IYO WEFTIGIISA OO CEERIGAABO LAGU SOO DHAWEEYEY

Ceerigaabo(Aftahannews):- Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey socdaal la xidhiidha wacyi-gelinta qaadashada kaadhka codaynta doorashada ugu maqnaa goballada Sool iyo Sanaag, ayaa gelinkii dambe ee Axaddii Maanta si cajiib ah oo aan hore loo kala hadhin looggu soo dhaweeyey magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag.

XISBIGA WADDANI MUSHARRAX CIRRO IYO WEFTIGIISA OO CEERIGAABO LAGU SOO DHAWEEYEY

Sidaa waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Waddani u qaabbilsan Wararka, kaas oo Nuqul ka mid ahi Caawa soo gaadhay Aftahannews, waxa uu u dhignaa sidan:- “Weftigan oo ay guddoomiye Cirro ku wehelinaayeen saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa waxa duleedka koonfureed ee magaalada Ceerigaabo kaga hor yimi dadweyne aad u tira badan oo iskugu jiray odey dhaqameedyo, cuqaal, wax-garad, siyaasiyiin, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo taageerayaal baaxad weyn oo aad u tira badan.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxamaan Cirro oo ka dib soo dhaweyntaas la hadlay dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo, ayaa waxa uu sheegay in uu si weyn ugu mahad-celinayo guud ahaan taageerayaasha baaxadda weyn ee sida aadka ah u soo dhaweeyey, waxaana uu cod dheer ku sheegay in uu qirsan yahay in reer Ceerigaabo ay guud ahaan ba taageersan yihiin Xisbiga WADDANI, waxaana ay u dhigneyd khudbaddaasi sidan:-

Maanta olole umaanan iman, waxa aan maanta u imi in aan idin kala qeyb-galo qaadashada kaadhadhka codbixinta Doorashada, waxa aanu ugu baaqeynaa dhammaan ba shacabka gobalka Sanaag, gaar ahaan caasimadda Ceerigaabo in ay qaataan kaadhadhka codbixinta Doorashada, kaadhadhka codbixinta Doorashadu waxa ay innoo lee yihiin muhiimad aad u weyn, waa fursad la siiyey shacabka Somaliland oo aan maalin walba joogin, waa fursad ina soo mareysa tobankii sanno ba mar, waxa aynu u baahan nahay in aynaan fursaddaas iska dayacin, fursaddaasi na waxa weeye in la ina siiyey in fursad aynu wax ku doorano oo Madaxweyne ku doorano Madaxweyne kale na ku bedalno. waxa aynu bedalaynaa KULMIYE, waxa aynu dooraneynaa WADDANI.

Waxa aynu dooraneynaa isbedalka, waxa aynu dooraneynaa cadaaladda, waxa aynu dooraneynaa horumarka, waxa aynu dooraneynaa ilaalinta hantida qaranka, waxa aynu dooraneynaa shaqo abuurka, waxa aynu dooraneynaa nabad-gelyada,waxaynu dooraneynaa in aynu wada dhisano qaran loo siman yahay oo la wada lee yahay.

Walaaleyaal, waxa aan halkan tacsi uga dirayaa qoyskii uu ka baxay Marxuumkii ku geeriyooday socdaalkii hore ee weftiga WADDANI, waxa aan lee yahay isaga na Alle naxariistiisii jannatul Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteena samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo.

Walaaleyaal waxa innoo balan ah in aynu isbedalka isku taageerno, waxaanan u mahad-celinayaa dhammaan ba shacbiga oo aan islee yahay 90% ama 100% waxa ay taageersan yihiin Xisbiga WADDANI.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkaas Qoraalka ah ee naga soo gaadhay Waddani.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.