“Qalad Waliba waa halka lagu Qabto, waa Mabda’ Xeer Islaam & Mid Gaal-ba ku jira, waa Is-Gacan-qaaday Xal Maaha..” Xil: Cabdiqaadir Jirde

XILDHIBAAN CABDIQAADIR ISMAACIIL JIRDE OO SHEEGAY IN QALAD WALIBA HALKA LAGU QABTO KA BILAABMO 11 AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay qalad kasta oo dhaca sixitaankiisu inuu ka bilaabmo halka lagu qabto ama lagu ogaado, sida mabaaddi’da Diinta Islaamka ku cad, Bina-aadamka oo dhamina ku dhaqmaan Muslim iyo Gaal-ba, sida uu hadalka u dhigay Mudane Jirde.

XILDHIBAAN CABDIQAADIR ISMAACIIL JIRDE OO SHEEGAY IN QALAD WALIBA HALKA LAGU QABTO KA BILAABMO 11 AUGUST 2017

Sidaa waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo Xalay ka soo baxay Waaxda Warbaahinta u qaabbilsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Warkaas oo Nuqul ka mid ah Aftahannews.com helay, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa sheegay inay soo bandhigeen cadaymaha ay u hayaan in bishan lixdeedii ay 39 xildhibaan oo ka tirsan golaha Wakiiladu ay gudoomiye u doorteen Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, balse khalad ka dhacay dhinaca shirgudoonkii codbixinta loogu dhawaaqay Baashe Maxamed Faarax inuu tiradaasi helay.

Xildhibaan Jirde waxa uu ku dooday in khalad waliba uu yahay halkii lagu qabto, oo aan Baashe loogu xalaalayn karin Gudoomiyaha Golahaasi khaladkaa ka dhacay gudoonkii madasha lagu tartamayey.

Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani, Md Cabdiqaadir Jirde ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah u qabteen isaga iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle.

Ugu horayna Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo arinkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaanu doonaynaa in aanu waxyar ka iftiimino arintii Golaha Wakiilada ka dhacday, ee loogu tartamayey gudoomiyenimada Golaha Wakiilada ee sida ay u dhacday ay ahayd in Musharaxa Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle uu helay 39 cod, Baashe Maxamed Faarax uu helay 38 cod. Laakiin shirgudoonkii iyo qoladii gacanta ku haysay ay tiradii si khalad ah ugu dhawaaqeen waxa timid mar hadii meeshii la isku qaaday oo la isku tahniyadeeyey maxaa keenay ka daba hadalka.

Waxaan doonayaa inaan idiin fasiro qalad waliba waa halkii lagu qabto, markii aanu golaha ka soo baxnay eenu is-tirsanay waxa noo soo baxday in 39 aanu ahayn, 39-kii ayaanu meel iskugu geynay, Madax-taabasho iyo saxeex iyo hadal ay hadlayaan oo ay leeyihiin ninkaasaanu u codaynay oo daliil cad ah ayaanu keentay.

Markaa waxa weeyi qaladkaa in la saxo cida kaliya ee sixi karta ay tahay Maxkamadaa aanu u tagnay, waxa weeyi codku marbuu dhacay, markiina sidaasi ayay noqotay oo Cabdiraxmaan 39 ayuu helay, Baashena waxa uu helay 38, sidii loogu dhawaaqayna waad ka war haysaanoo in la is-weydaariyey.

Markaa waxaanu qax u yeelanay in marka u horaysa aanu anagu cadayno in 39 kayaqii aanu siinay Cabdiraxmaan Talyanle, taana waanu cadaynay.

Waxaanu haynaa Saabiqad taa la mid ah 2012-kii markii Dawladaha Hoose loo tartamaayey waxaanu haynaa in ururkii Dalsan ee Ismaaciil Aadan Cismaan uu ka ahaa gudoomiyaha in codkoodii laba jeer la tiriyey, xildhibaano usoo baxay oo Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqeen inay heleen ayaa markii Komishanku qaladka dhacay arkay ayaa rag dhacay oo Kulmiye ahaa oo laga cod badnaa markaa ayaa markii tirada ururkan la dhimay soo baxay oo imika golaha deegaanka ku jira oo Caga-yare ka mid yahay, waa markhaati oo wax hore u dhacay weeyaan.

Waxa kale oo aanu haynaa doorashadii 2003-dii markii lagu murmay sideetanka, komishanka doorashooyinku waxa uu ku dhawaaqay in UDUB uu kaga horeeyo Kulmiye sideetan (80) cod oo kaliya, Komishanku dhawaaqid ayuu leeyahay, tasdiiqinta iyo sharciyeyntana waxa leh Maxkamada Sare, Maxkamada Sare markii ay ku noqotay codkii cod ka badan ayay usoo saartay UDUB oo waxa la is dheeraa laba boqol iyo wax ka badan ayay tidhi waa saabiqad hor leh.

Maxkamadaha hadaynu eegno waxaynu haynaa dad dil lagu xukumay ama laba dilayba oo ilaa Maxkamadii Sare uu kiisku ka dhamaaday la sameeyey wax la yidhaa dib u eegis (judiciary review), waxaana la sameeyaa marka macluumaad hor leh oo Maxkamadii hore aanay tixgalin ay soo baxaan, ninkii la xukumay ama laba dilay ee intaasoo sanadood xidhnaa in la yidhaahdo markhaatigaa barigaa lagu furay beenbuu ahaa, la deedafeeyo ninkiina la sii daayo, kii dhintayna magaciisa iyo sumcadiisa la soo celiyo.

Markaa waxaan ka wadaa qalad waliba waa halka lagu qabto, waa la is-gacan qaaday, maaha Komishan ayaa ku dhawaaqay iyo maaha shirgudoon ayaa ku dhawaaqay, qalad waliba waa halka lagu qabto, waa mabda’a qaanuuniya oo xeer Islaam iyo xeer Gaalba ku jira, markaa waa qalad walba halkii lagu qabto.

Maxkamadana waxaanu u soo jeedinaynaa, waad ogtihiin oo kiiskayagii waanu geynay markaa waa inay qaado (the merits of the case) oo ah yaa codeeyey, intay ahaayeen, waa kuwama iyo waa kuwee, waanu haynaa cadayntii 39-kii oo saxeexay, 39-kii oo hadlaya.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, waxaanu yidhi “Hadii la isku sheego runta oo qalad dhacay la damco in la soxo waa la sixi karaa sida xildhibaanadu sheegeen, anigu runtii kursi jacayl isuma sharaxin, 39 markii ay ii codaysay ee gudoonku ku dhawaaqay 38 inay ii codaysay 39-na geesta kale waan tahniyadeeyey saaxiibkay, tahniyadaasi cimri may yeelan oo isla goobtii, isla madashii, isla wakhtigii ayay shaqaaluhu yidhaahdeen 39-ka cod adigaa lahaa, markiiba xildhibaanadu way ka daba tageen, 39-kii xildhibaan ayaanu goob iskugu keenay” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Warkan oo Xisbiga Waddani ka soo baxay Saqbadhkii Caawa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.