Sidee Musharrax Muuse Biixi iyo Weftigiisa loogu Soo dhaweeyey Deegaannada Koonfurta Gobolka Sool? Warbixin + Sawirro

SOODHAWAYNTA WEFTIGA MUUSE BIIXI EE KOONFURTA GOBOLKA SOOL 11 AUGUST 2017

Sool(Aftahannews):- Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbil-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa Jimcihii si diirran loogu soo dhaweeyey deegaannada Dharkayn-geeyo, Daba-taag iyo degmada Kala-baydh, kuwaas oo ka tirsan gobolka Sool, waxaana magaalooyinkaa Casuumado Quraac iyo Qado isugu jira ugu sameeyey Weftiga Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax.

SOODHAWAYNTA WEFTIGA MUUSE BIIXI EE KOONFURTA GOBOLKA SOOL 11 AUGUST 2017

Weftigaas oo ay Xubno ka yihiin Wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin-Faratoon, Wasiirka Caafimaad Dr. Saleebaan-Xaglo-toosiye, Wasiirka Qorshaynta Maxamed-Qabo, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi, La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Waran-cadde, Siyaasiyiinta Cali-Guray, Jamaal Cali Xuseen, Xildhibaanno, Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kale oo Kulmiye iyo Xukuumadda ka tirsan, isla markaana salaaddii hore ee Jimcihii ka ambabaxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo Weftigu illaa dorraad ku sugnaa.

Qaar ka tirsan Dadweynaha degmada Kala-badh ee gobolka Sool ku soo dhaweeyey Weftiga Muuse Biixi, ayaa sheegay inay taageero buuxda la garab-taagan yihiin Xisbiga Kulmiye, doorashada Madaxtooyadana u codayn doonaan Musharrax Muuse Biixi, soodhawayntooduna muujinayso hagar-la’aantooda taageero ee ay Xisbigaas iyo Musharrixiisa u hayaan.

Inkasta oo Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kala duwani Kala-baydh Shacabka kula hadleen, uguna baaqayeen inay qaataan kaadhadhka cod-bixinta, taageeradoodana siiyaan oo u codeeyaan Kulmiye, haddana gebo-gabadii waxa halkaas ka hadlay Musharrax Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax oo Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee uu Weftiga Kulmiye kaga mid yahay hadda muran iyo khilaaf gaadhay in Dacwad Maxkamadda looga gudbiyo ka taagan yahay oo ay Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ku dacwoonayo.

Musharrax Muuse Biixi oo Dadweynaha Reer Kalabaydh la hadlayey, waxa uu yidhi; “Waxaannu doonaynaa oo Mabda’eenna ah oo Somaliland ku dhisantay inaynu Somaliland marka hore dhisno, inaynu Qarannimadeennii Ingiriisku ka tegay dib u dhisno, inaynu wax wada-qabsanno, inaynu horumar samayno dhinac walba, inaynu Walaaleheen u gurmanno, inaynu deriskeenna dawladaha ah Walaalnimo ku noolaanno, inaynu colaadaha iyo cidhiidhiga ka baxno, Ra’yiga aannu wadnaa waa kaasuun, wax naga qarsoonina ma jiro.”

“Waxaan rejaynayaa inay Somaliland wax wada yeelato, Innama anfacdo in Nin waliba deegaankiisa ku ekaado, dhaqaaleheennu ku kori maayo, ilbaxeennu ku kori maayo, Caafimaadkeennu ku kori maayo, Garaadkeennu xataa ku kori maayo. Ugu yaraan sidii Aniga iyo Ragga ila da’da ahi aannu soo gaadhnay ee Iskuulka Boodhinka ah ee Cammuud iyo Sheekh la isugu imanayey ee ka ka yimi Laascaanood, Ka Bulaan ka yimi iyo ka Gabiley ka yimi ay imanayaan Dayaxa, ee la isu wada garanayey ee Shirkadaha loo wada lahaa ee Walaalaha loo ahaa waa wax la heli karo.” Sidaa ayuu yidhi Musue Biixi Cabdi.

Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, ayaa gebo-gabadii Dadweynaha Reer Kala-baydh ee sida diirran u soo dhaweeyey Weftiga Kulmiye la hadlay, waxaanu yidhi; “Waa inaynu Kaadhadhka cod-bixinta qaadannaa, laakiin markaynu Kaadhadhka qabsanno Codkeenna Xisbiga ayeynu siinaynaa, Abaal baynu dhiganaynaa, waxaynu u abaal-dhiganaynaa Musharrax Muuse Biixi Cabdi.”

Intii Weftigu marayey deegaannadaas, waxay dhagax-dhigeen Saldhig Boolis oo laga dhisi doono Tuulada Dharkayn-geenyo. Waxaanay Musharrax Muuse Biixi iyo Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo Qorshaynta Qaranku laba Gaadhi oo Seeraf iyo Laangaruusal kala ahaa ku kala wareejiyeen Maamullada Dharkayn-geenyo iyo Kalabaydh.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.