Kenya: Dhacdooyinkii Xiisaha lahaa ee doorashada; Hooyo & Wiilkeed oo Tartamay iyo Arday Dugsi Sare oo la doortay

HOOYO IYO WIILKEED OO KURSI KU TARTAMAY DOORASHADA BAARLAMAANKA DALKA KENYA 2017

Nairobi(Aftahannews):- Doorashadii ka dhacday Salaasadii toddobaadkan, ayaa noqotay doorashadii ugu xiisaha badnayd deegaannada waddanka Kenya qaar ka tirsan dhacdooyinka laga soo tabiyey marka loo eego. Waxaanay arrimaha ugu xiisaha badani noqdeen Hooyo iyo Wiil ay dhashay oo Hal Kursi ku wada tartamay Xildhibaannimada Baarlamaanka Kenya, halka Xildhibaannada guulaystay uu ku jiro 23 Jir Dugsiga sare wax ka barta.

HOOYO IYO WIILKEED OO KURSI KU TARTAMAY DOORASHADA BAARLAMAANKA DALKA KENYA 2017

Xildhibaan Beatrice Kones oo ah Hooyo Sharraxnayd, ayaa Wiilkeeda Curad oo lagu magacaabo Kipkalya Kones kula tartantay Kursiga Baarlamaanka ee Bariga Bomet ee Koonfura dalka Kenya, ugu danbeyntiina waxay natiijadu noqotay in Wiilkeeda ay ka guulaysato oo ay Kursiga Hooyadii ku fadhiisanayso, sida lagu baahiyey Warbaahinta Kenya iyo ta Caalamiga ah qaarkood-ba.

Wiilka oo kaalinta Afraad ka galay tartanka, ayaa sheegay in Hooyadii ay hore ugu ballan-qaaday in ay isaga taageeri doonto doorashada 2017-ka, isla markaasina la soo gaadhay xilligii uu Riyadiisa ka dhabayn lahaa. “Nooma dhaxeeyo wax farqi shaqsiyadeed ah, manaannaan murmin Hooyaday, waayo waa Hooyaday, waxaanay sii ahaan doontaa Hooyadey.” Sidaa ayuu yidhi Kipkalya Kones.

Geesta kale, John Paul Mwirigi, ayaa noqday Xildhibaankii ugu da’da yaraa ee loo soo doorto Baarlamaanka Kenya ka dib markii uu ku guuleystey doorasho ka dhacday Igembe Koonfureed. Wiilkan ayaa si ka duwan dadka kale olalihiisa doorasho u sameeyay, isaga oo dadka guryaha ugu tagayay kana dalbanayay in ay codkooda siiyaan.

WIIL 23 JIR AH OO KU GUULAYSTAY XIDHIBAAN BAARLAMAANKA DALKA KENYA AH DOORASHADA 2017

John Paul Mwirigi oo ka warramaya wixii ku dhaliyey riyadan uu ku guulaystay ee Xildhibaannimo isaga oo Dugsiga sare weli dhigta, waxa uu yidhi; “Waxaan lahaa riyo ah in aan mooshin horgeeyo baarlamaanka aniga oo ah fasalka sedexaad ee dugsiga sare, markaas ayaanan bilaabay in ardayda iskuulka ila dhigta aan ka codsaday in ay ii ololeeyaan marka la gaaro sanadka 2017-ka. Xil hoggaan ayaan horey oga qabtay iskuulkayga.”

Dadka taageerayaashiisa ah ayaa sheegey in ay isaga doorteen maadaamaa ay uu isaga ogyahay dhibaatooyinka ay qabaan. Haweenka ayaa la leeyahay guul weyn ayeey ka gaareen doorashada sanadkan 2017-da iyagoo maalaha qaar ragga uga adkaaday tartan ay wada galeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.