Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka Hadlay Dacwad Muranka Golaha Wakiillada la xidhiidha oo loo gudbiyey

GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE SOMALILAND AADAN XAAJI CALI OO KA HADLAY DACWADDA MURANKA GOLAHA WAKIILLADA PHOTO FILE

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilladu Dacwad la xidhiidha is-dhaafinta Natiijada doorashadii Guddoomiyaha Golahaas ay u gudbiyeen.

GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE SOMALILAND AADAN XAAJI CALI OO KA HADLAY DACWADDA MURANKA GOLAHA WAKIILLADA PHOTO FILE

Aadan Xaaji Cali waxa uu sheegay inay Maxkamadda Sare oo ah Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland darsayso Furista Dacwaddaasi siday Sharciga u waafaqsan tahay, isla markaana markay dersaan Maxkamad ahaan ka dib ay ka hadli doonaan inay bilaabayaan iyo in kale.

Erjiga Dacwad-furashada ah ee ay Maxkamadda Sare Xildhibaannadu u gudbiyeen, ayaa yimi markii Khilaaf iyo Muran hadheeyey natiijada Shir-guddoonku ku dhawaaqay ee doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo Axaddii ay ku tartameen Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ka dib markii 39 Cod Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Cali Yuusuf ku dhawaaqay inuu Baashe ku guulaystay, halka Talyanle-na uu sheegay inuu 38. Hase-yeeshee, Talyanle ayaa Habeen-hore goor-dambe sheegay inuu 39-ka Cod isagu helay oo Xildhibaannadii u Codeeyey joogaan oo uu isagu yahay Guddoomiyaha Wakiillada ee sharciga ah.

Haddaba, Xildhibaanno ka tirsan 39-kaas Mudane ee Talyanle sheegay inay u codeeyeen, ayaa shalay Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, isla markaana mid waliba sheegay inuu Codkiisa siiyey Talyanle, markii codaynta ka dib ee Golaha laga baxayna xaqiiqsadeen in Codadka la is-weydaariyey oo 39 aanu lahayn Baashe loogu dhawaaqay arrintaasna aanay aqbali doonin, Dacwadna ay Maxkamadda uga gudbiyeen. Waxaanay Xildhibaannadaas Tobaneeyo ka tirsan oo hadlay, ku baaqeen in ciddii khalkaas iyo musuqaas masuuliyaddeeda yeelata in lagu qaado.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin marar uu siyaabo kala duwan ula hadlay VOA iyo Horn Cable TV, waxa uu u xaqiijiyey in Arjiga Dacwad Furashada ah Maxkamad ahaan gaadhsiiyeen Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan oo Saluugsan natiijada loogu dhawaaqay Baashe Maxamed Faarax, maalmaha soo socdana markay darsaan sharci ahaan ka dib ay guda-gali doonaan Dacwaddaas, haddii aan wax is-beddelin.


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.