Xildhibaanno ka Warramay Waxa Sababay Rasaas Baarlamaanka laga Maqlay, Ciidan la Wareegay, Xadhigga Koore & Jawaabta Xukuumadda

Xarunt Golaha Baarlamaanka Somaliland oo Ciidammo la wareegeen

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaanno ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey inay qas iyo dhibaato ka dhex-waddo Golahaas, ka dib markii ay Ciidammo Boolis ahi la wareegeen Ammaanka iyo Gacan-ku-haynta Golahaas gelinkii hore ee maanta, ka dib markii ay isku dheceen Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Xarunt Golaha Baarlamaanka Somaliland oo Ciidammo la wareegeen

Dhawaaqa Rasaaseed ayaa laga maqlay gudaha Golahaas, markii  sida Xildhibaannada qaar sheegeen in Baaskoolad uu sitay Xabbad ka riday Darawalka Saleebaan Xildhibaan Koore, halka ay qaarkoodna sheegeen in Xabbadda uu riday Askari ka tirsan ilaalada Baashe.

Ismaan-dhaafka la sheegay inuu gacan-ka-hadalka dhex-maray Baashe iyo Koore sababay, ayaa ka dhashay khilaafka ka taagan natiijada doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Axaddii toddobaadkan Golahaasi u codeeyeen, kaasoo yimi ka dib markii Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle iyo Baashe Maxamed Faarax oo ku tartamay jagadaas ay kala heleen 39 Cod oo Shir-guddoonku Baashe ugu dhawaaqay iyo 38 Cod oo Shir-guddoonku Talyanle ugu dhawaaqay, balse Talyanle oo natiijadaa aqbalay ka dib, markii Xildhibaannada qaarkood iyo Shaqaalaha Golaha Wakiillada Xubno ka tirsani sheegeen in tirada laysu weydaariyey labada Musharrax uu shaaciyey in xilkaas isaga loo doortay.

Xukuumadda ayaa dhinaceeda ku eedaysay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani inuu qas ka dhex-wado Golaha Wakiillada, isla markaana aanay aqbali doonin in cidi Guddoomiye iska sheegato ee ay aqoonsan tahay Baashe Maxamed Faarax, halka ay Xildhibaannada u Codeeyey Talyanle iyo Talyanle-ba Dacwad musuqaas ay sheegeen ku saabsan u gudbiyeen Maxkamadda ku shaqada leh Dacwadaha Murannada Sharci.

Waxaanay Xukuumaddu Xabsiga dhigtay oo ay xidhay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Darawalkiisii iyo Xubno kale oo aan Magacyadooda la shaacin, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo markii gacan-ka-hadalkaasi ka dhacay xarunta Baarlamaanka ka dib Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa.

Haddaba, Xildhibaannada Warbaahinta la hadlay ee ka warramay sidii Saaka waxa uga dhaceen Golaha Wakiillada Somaliland, waloow ay ku kala duwan yihiin meelaha qaarkood iyo weliba Jawaabta Xukuumaddu ka bixisay isku-dhacaas, waxaannu Warbixinta Warka Xaaladahaas iyo Hadalladoodaba idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalladan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

WARBIXIN LABAAD OO TA KOOWAAD KA DUWAN MUUQAALKAN KA FIIRSO:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.