Xisbiga Waddani oo Soo Bandhigay Caddaymaha Xildhibaannadii u Codeeyey Talyanle iyo Siday u kala Codeeyeen

XILDHIBAANNADA TALYANLE U CODEEYEY OO XISBIGA WADDANI SOO BANDHIGAY 08 AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa soo bandhigay Magacyada, Gacmaha iyo weliba Sawirrada 39 Xildhibaan oo u codeeyey Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Axaddii Toddobaadkan oo ay Kursigaa ku tartameen Baashe Maxamed Faarax oo Shir-guddoonku sheegay inuu 39-ka isagu helay, balse Waddani ku doodayo in 39-ka Talyanle helay, Baashena 38-ka Cod.

XILDHIBAANNADA TALYANLE U CODEEYEY OO XISBIGA WADDANI SOO BANDHIGAY 08 AUGUST 2017

Kursigaas Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo Guddoomiye Ku-Xigeenka 2-aad ee Golahaas Cali Yuusuf Axmed oo Fadhigii Axaddii ee lagu doorinayey Shir-guddoominayey ugu dhawaaqay inuu Baashe 39 cod kaga guulaystay Talyanle oo uu 38 ugu dhawaaqay, ayaa khilaaf cakirani ka taagan yahay, isla markaana Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye shaaciyeen inay aqoonsan yihiin Baashe, halka uu Waddanina Maxkamadda Dacwad ka gudbiyey, soona bandhigay Caddaymaha uu ku doodayo in Talyanle 39 Cod helay.

Haddaba, Afhayeenka Xisbiga Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo Shir Jaraa’id oo uu caddaymahaas ku soo bandhigay Salaasadii Maanta ku qabtay xarunta Xisbigaas ee magaalada Hargeysa, ayaa Xildhibaan kasta Sawirkiisa isagoo codaynaya Warbaahinta u sharraxay. Waxaanan idiinku soo gudbinaynaa Buubaa oo faahfaahinaya Muuqaalkan Hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.