Faratoon oo Si adag uga hadlay Muranka Guddoonka Wakiillada iyo Gacan-ka-hadal dhex-maray Baashe iyo Koore

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND YAASIIN XAAJI MAXAMUUD XIIR (FARATOON)

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay isku-dhac kooban oo dhex-maray Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax oo Muxaafidku ku doodayo inuu yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doortay, balse doorashadaas Muran ka taagan yahay weli iyo Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka tirsan Golahaas, isla markaana Musharrax tanaasulay oo Talyanle u codeeyey ah oo saaka gacan hadalkaasi ku dhex-maray Xarunta Golahaas ee Hargeysa.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND YAASIIN XAAJI MAXAMUUD XIIR (FARATOON)

Wasiir Faratoon waxa uu sheegay inaanay u dul-qaadan doonin Xukuumad ahaan iyo Wasaarad ahaan toona in fadqalallo la abuuro, isla markaana aanay jirin laba Guddoomiye oo wada sheegan kara Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kuwaas oo kala ah Baashe Maxamed Faarax oo Shir-guddoonka Wakiilladu ugu dhawaaqay inuu 39 Cod ku guulaystay iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo Shir-guddoonku sheegay inuu 38 Cod helay doorashadii Axaddii Golahaas ka dhacday, balse Talyanle ku doodayo inuu isagu 39-ka helay markii uu gelinkii hore hambalyeeyey Baashe ka dib.

Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay inaanay jirin cid sharciga ka wayn ee wixii sharci ah loo hoggaansamayo, Goluhuna Guddoomiye doortay oo ay kaas aqoonsan yihiin, ciddii Cabasho ka qabtaana tahay inay Sharciga u maraan, ciddii dhib abuurtana ay gacan bir ah wax kaga qabanayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey gacan-ka-hadal dhex-maray Baashe Maxamed Faarax iyo Saleebaan Yuusuf Cali Koore, markaas oo la sheegay in ilaalada Baashe rasaas ridday, ka dibna Darawalka Koore xabbad riday, waxaana markaa ka dib la xidhay Xildhibaan Koore iyo Darawalkiisa la sheegay inuu Xabbadda riday.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) Hadalka uu ka jeediyey Shir Jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa iyo Jawaabaha uu ka bixiyey Su’aalo la weydiiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.