Liiska Magacyada 39-ka Xildhibaan ee Talyanle u Codeeyey oo la shaaciyey, Warbaahintana si adag uga hadlay

XILDHIBAANNADA TALYANLE U CODEEYEY QAAR KA TIRSAN OO WARBAAHINTA WARKOODA KA CADDEEYEY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Khilaaf iyo Muran ayaa hadheeyey natiijada Shir-guddoonku ku dhawaaqay ee doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo Axaddii ay ku tartameen Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.

XILDHIBAANNADA TALYANLE U CODEEYEY QAAR KA TIRSAN OO WARBAAHINTA WARKOODA KA CADDEEYEY 2017

Ka dib markii 39 Cod Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Cali Yuusuf ku dhawaaqay inuu Baashe ku guulaystay, halka Talyanle-na uu sheegay inuu 38. Hase-yeeshee, Talyanle ayaa Habeen-hore goor-dambe sheegay inuu 39-ka Cod isagu helay oo Xildhibaannadii u Codeeyey joogaan oo uu isagu yahay Guddoomiyaha Wakiillada ee sharciga ah.

Haddaba, Xildhibaanno ka tirsan 39-kaas Mudane ee Talyanle sheegay inay u codeeyeen, ayaa shalay Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, isla markaana mid waliba sheegay inuu Codkiisa siiyey Talyanle, markii codaynta ka dib ee Golaha laga baxayna xaqiiqsadeen in Codadka la is-weydaariyey oo 39 aanu lahayn Baashe loogu dhawaaqay arrintaasna aanay aqbali doonin, Dacwadna ay Maxkamadda uga gudbiyeen. Waxaanay Xildhibaannadaas Tobaneeyo ka tirsan oo hadlay, ku baaqeen in ciddii khalkaas iyo musuqaas masuuliyaddeeda yeelata in lagu qaado.

Waxaannu Xildhibaannadaas 39-ka ah ee sheegay inay Talyanle Codkooda siiyeen oo Liiska Magacyadooda Warbaahinta qaar baahiyeen iyo weliba Mudanayaasha ka tirsan kuwa Maanta Warbaahinta ka hadlay, idiinku soo gudbinaynaa Hadalladooda Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan, Magacyaduna Muuqaalka ayey ka hooseeyaan ee ka bogasho habboon:-

Xildhibaannada Hadlay Muuqaalkan oo keliya kuma koobna, balse Mudanayaal kale oo badan ayaa sidan oo kale iyaguna uga hadlay arrintaas wax-is-daba-marinta Cododkooda lagula kacay, sida ay ku doodayaan.

Geesta kale, Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo lagu eedaynayo inuu yahay Qofka tirada Codadka ay Baashe iyo Talyanle kala heleen is-dhaafiyey, ayaa ku dooday inaanay eedayntaasi waxba ka jirin, waxaanu yidhi; “Codka dorraad dhacay Talyaanle ayaa horreeyay, Guddoomiye Baashe wuxuu codsadayba inuu isagu horreeyo ee waxa la yidhi; ‘Talyanle Siifiiga ayuu horkeenay’, markaa tirintii Codka Talyanle ayaa la horraysiiyey oo wuxuu noqday 38 cod, meeshana 78 Mudane ayaa fadhiyay. Sidaas baan Cali Yuusuf ugu gudbiyay inay 38 tahay, waxa soo hadhayna 39 bay ahayd oo Baashe ayaa helay oo sidaa ayuu Baashe ku guulaysatay. Waxa eedda la sheegayo iyo waxaa laga hadlayna Anigu waxaan u arkaa Baroortu Orgiga ka wayn. Sharaftayda iyo karaamadayda sidaannu Xildhibaannada tooda u ilaalinno ee aannu ugu shaqayno ee aanu hadh iyo habeen ugu shaqayno waxaannu jecelnahay inay sharaftayadda iyo karaamadayda  ilaaliyaan.”

Mar Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo la weydiiyey inaanu Muuqaalku been sheegin, ee haddii 39-kaasi u codeeyeen Talyaanle ay ku caddaato inuu diyaar u yahay in Maxkamadaha Somaliland Dacwado lagaga furo oo uu ciqaabteeda aqbalayo, wuxuu ku jawaabay; “Kuwayagii Annagaa hayna haddii loo baahdo, tii uu Golaha Wakiilladu duubay, kuwan lala wareegayo waa kuwo cid gaar ahi sidatay oo been ka sheegaya maaha tii Golaha. Anigaaba Maxkamadda tegaya oo Sharaftayda iyo karaamadayda beenta intaa le’eeg laga sheegay, Anigaaba immika dhibbane ah oo Dacwad furanaya. Arrintaana waxba kama jiraan oo Guddoomiye waxa ah Baashe.”

39-ka xildhibaan ee hadlay iyo adiga oo ah Xoghayaha Golaha ah kee baa la aamminayaa? Su’aashaas oo la weydiiyey Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, wuxuu kaga jawaabay; “Waxa la aaminayaa annigu waannu dhaaranay, waxna anaga ka masuul ah oo tirina. Tiradda ninkan baa horreeyay baan ku idhi oo 38 bay ahayd, haddii uu dambayn lahaa baa la isku qabsan lahaa, 39-ka aad sheegaysanna annigu ma arag aad leedahay xildhibaanno ayaa halka soo is-taagay. Laakiin tiradda aanu annigu samaynay sidaasay sax ku tahay.”

Magacyada 39-ka Xildhibaan ee Codkooda siiyey Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ee la shaaciyey waxay u dhignaayeen sidan:-

“1-Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

2- Abubakar Cabdiraxmaan Good

3- Maxamed Cismaan Bulqaas

4- Siciid Cilmi Rooble

5- Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle

6- Maxamed Yuusuf Wabeeyo

7- Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Loyar)

8- Mahdi Xuseen Cadarre

9- Aadan Muxumed Horre

10- Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane)

11- CabdiqadirJibriil Tukaale

12- Axmed Maxamed Nuur

13- Baar Siciid Faarax

14- Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde

15- Cabdiqaadir Jaamac Xaamuud

16- Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-Xoog)

17- Cali Xaji Maxamed Muuse

18- Cali Sh. Ibraahim Aareye

19- Cabdi Hirad Warfaa

20- Xuseen Ismaaciil Yuusuf

21- Yuusuf Liibaan Cumar

22- Xasan Muuse Hufane

23- Maxamed Dhunkaale Guutaale

24- Saleebaan Yuusuf Cali Koore

25- Maxamed Saalax Cige

26- Cabdillaahi Axmed Yuusuf Madar

27- Xamuud Cismaan Cigaal

28- Baashir Xuseen Tukaale

29- Mahadi Cabdillaahi Maxamuud

30- Ibraahim Mahdi Buubaa

31- Xuseen Maxamed Cige

32- Axmed faarax Ghoege

33- Maxamed Farax Qabile

34- Wali Axmed Xaawa

35- Jaamac Xasan Aadan

36- Muuse Maxamed Ismaciil (Hoos-ujeed)

37- Naasir Xaaji Cali Shire 

38- Xaashi Xuseen Caabi

39- Cabdiqadir Askar Xasan.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.