Olalaha Wasiirka Madaxtooyada iyo Musharrax Muuse Biixi ee Buuxinta Jagadii Cirro Banneeyey ee Golaha Wakiillada

OLOLAHA WASIIRKA MADAXTOOYADA IYO MUUSE BIIXI EE KURSIGA GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA EE AY HARGEYSA KA WADAAN 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ayaa in ka badan 40 Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada oo u badnaa kuwa Muxaafidka ah ugu sameeyey Maanta Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka qaybgaleen Guddoomiyaha ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye, Xubno Golaha dhexe ee Kulmiye iyo weliba Saraakiil kale oo Xisbigaas Xubno ka ah iyo Wasiirro Xukuumadda ka tirsan.

 

OLOLAHA WASIIRKA MADAXTOOYADA IYO MUUSE BIIXI EE KURSIGA GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA EE AY HARGEYSA KA WADAAN 2017

Kulankaas oo ahaa mid olole oo Xildhibaannada uu Casuumay Wasiir Maxamuud Xaashi lagaga dalbaday inay codkooda siiyaan Baashe Maxamed Faarax oo iska casili doona Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana u tartami doona jagada Guddoomiyaha Golahaas oo uu Arbacadii iska casilay Guddoomiyihii hore Cabdiraxmaan-Cirro, kaas oo la filayo in maalinta berri ee Axadda ah fadhiga Golahaasi yeelanayo ay ku tartamaan Mudanayaasha Hanka leh ee shaaciyey inay Jagadaas u tartami doonaan.

Xildhibaannada ugu Cadcad ee jagadaa la filayo inay sida adag ugu loollamaan ayaa kala ah Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo gobolka Sool ka soo wada-jeeda, isla markaana ka kala tirsan Mucaaradka Waddani iyo Muxaafidka Kulmiye. Waxaanay Madaxtooyadu magacawday habeen-hore Toban Xildhibaan oo si gaar ah uga shaqeeya Ololaha Musharrax Baashe.

Inkasta oo aan hadalladii kulankaas ku dhex-maray Xildhibaannada, Wasiirrada Maxamuud Xaashi ugu horreeyo iyo Hoggaanka Kulmiye ee Qadadaas isugu yimi Sabtidii Maanta, haddana Eryal TV,, ayaa ku guulaystay inuu Muuqaalka guud ee Kulankaas duubo oo loo oggolaado Hoolka Kulanka, isla markaana Warkooban ka sameeyey, waxaanannu Muuqaalladaas iyo Warka kooban ee uu ka sameeyey-ba idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.