Cabdirashiid Xasan Mataan oo Iska Casilay Xilka iyo Xubinnimadiisii Xisbiga Waddani iyo Waxa ku Kallifay

CABDIRASHIID XASAN MATAAN OO ISKA CASILAY XILKII IYO XUBINNIMADII XISBIGA WADDANI 05 AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Xoghayihii Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa Maanta Shaaca ka qaaday inuu si rasmi ah isaga casilay oo uu uga baxay Xisbigaas oo uu ka mid ahaa illaa horraantii 2016-kii, ka dib markii uu bila ka hor wakhtigaa iska casilay Musharraxnimadii jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga UCID oo uu u taagnaa.

CABDIRASHIID XASAN MATAAN OO ISKA CASILAY XILKII IYO XUBINNIMADII XISBIGA WADDANI 05 AUGUST 2017

Cabdirashiid Xasan Mataan oo inkastoo uu xilkaas Xoghayaha Garabta Saxaafadda ugu magacawnaa Xisbiga Waddani, haddana intii sannadkan lagu jiray aan ka dhex-muuqan Waddani, ayaa maanta mar uu Warbaahinta qaar kula hadlay magaalada Hargeysa caddeeyey inuu muddadaas aanu ka dhex-muuqan hawlgallada Xisbiga-ba uu saluugsanaa nidaamka hoggaamineed iyo higsi ee Xisbigaas, laga bilaabo shalayna uu ka baxay.

Waxaannu Shirka Jaraa’id ee Cabdirashiid Xasan Mataan Warbaahinta qaar u qabtay ee uu ka bixistiisa Waddani kaga hadlay iyo sababaha uu u cuskaday oo faahfaahsan isagoo ka hadlaya aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.