“Saleebaan waxaan leeyahay ma tihid Guddoomiye KULMIYE iyo mid qabiil ee waxaad tahay Guddoomiyihii Guurtida.”Faadumo Siciid

Boorame(Aftahannews):- Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID marwo Faadumo Siciid,ayaa Xukuumadda ku eedaysay inay lacag  u adeegsatay siday xilka guddoomiyenimo uga qaaadi lahayd Cabdiraxmaan Cirro,waxaanay intaa ku dartay in guurtidii khilaafka ka odayayn jirtayna ay meesha ka baxday sidii uu guddoomiyaha uga noqday Saleebaan Maxamuud Aadan

sheegtay  muranka ka taagan golaha Wakiiladda Somaliland loo isticmaalay adduun gaadhaya 860 kun oo Dollar oo ay ku maal galisay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sidii ay  u ridi lahayd Cabdiraxmaan  Cirro.

Waxaa kaloo ay marwo Faadumo Siciid ka hadashay Guurtida Somaliland oo ay tilmaantay inay xilkeedii gabtay isla markaana y gurmad ka gali weyday muranka ka jira golaha Wakiiladda.

Marwo Faadumo Siciid oo a hadlaysay Xarunta Gobolka Awdal oo ay booqasho ku marayaan Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.waxaa kaloo ay farriin tos ah u dirtay Guddoomiyaha golaha Guurtida  Saleebaan Maxamuud Aaddan,oo ay ku tidhi.

“Saleebaan waxaan leeyahay ma tihid guddoomiye KULMIYE mana tihid Guddoomiye Qabiil laakiin waxaad tahay Guddoomiyihii golaha Guurtida Somaliland.”

Hadaba halkan ka daawo hadalka  Xoghayaha  maaliyadda  Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  Faadumo Sidiid oo dhamaystiran.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland