Culimada Somaliland oo Go’aan Diini ah ka soo saaray Furista Kaniisadda Hargeysa iyo Jawaabta Dambe ee Xukuumadda

CULIMADA SOMALILIAND OO FADWO DIINI AH KU MUUJIYEY GO'AAN KA DHAN AH KANIISAD HARGEYSA LAGA FURAY IYO XUKUUMADDA OO KA HADASHAY 03 AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Culimada Waawayn ee Somaliland qaar ka tirsan, ayaa Fadwo ka soo saaray, isla markaana sharraxay go’aanka ay Diinta Islaamku ka qabto oggolaanshaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku oggolaatay furitaanka Kaniisad Hargeysa ku taalla oo 30 Sano markay xidhnayd ka dib dhawaan la shaaciyey in dib loo furay markii la casriyeeyey dhismeheeda ka dib.

CULIMADA SOMALILIAND OO FADWO DIINI AH KU MUUJIYEY GO’AAN KA DHAN AH KANIISAD HARGEYSA LAGA FURAY IYO XUKUUMADDA OO KA HADASHAY 03 AUGUST 2017

 

Culiadaas oo Xalay Shir Jaraa’id si wada-jir ah cawaysinkii dambe ugu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaanay Diinta Islaamku oggolayn Kaniisaddaas oo ay xaaraan tahay inay dawladdu oggolaato. Go’aankaas Culimada ayaa beddelay Go’aanka hore ee ay Xukuumadda talada haysaa ku oggolaatay, isla markaana waxa uu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo maanta Saxaafadda la hadlay sheegay inay Kaniisaddaasi u xidhnaan doonto sidii ay 30-kii sano ee u dambeeyey u xidhnaato.

Haddaba, Culimada Fadwada ka soo saaray oggolaanshaha Kaniisaddaas Hargeysa waxaannu Warkooda, go’aamadooda iyo Fasiraaddooda-ba iyo weliba Go’aanka Xukuumadda ee Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu Maanta Shaaciyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalladan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Halkan hoose ka daawo:-

aaftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.