Hargeysa: Shirkadda African Nature oo Giriimmada laysku Qurxiyo ee Dabeeciga ah oo Cusub Soo Bandhigtay + Sawirro

AFRICAN NATURE OO HARGEYSA KU SOO BANDHIGTAY GIRIIMO CUSUB 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Shirkadda Giriimmada Debeeciga ah ee la isku qurxiyo soo saarta ee African Nature oo Xarumo ku leh waddamada Canada iyo Somaliland, ayaa Maanta soo bandhigay noocyo cusub oo Giriimadda Shirkaddaasi soo kordhisay ah.

AFRICAN NATURE OO HARGEYSA KU SOO BANDHIGTAY GIRIIMO CUSUB 2017

Munaasibad lagu soo bandhigayey Giriimmada iyo Dhaashiyada cusub ee Shirkadda African Nature soo kordhisay oo lagu qabtay Huteel Green Place ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Wasiirka Cadaaladda Somaliland Maxamed Faarax Cadarre, Masuuliyiinta Shirkaddaas, Haween Tiro badan, Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale.

Ilhaan Maxamed Cabdalle oo ah Maamulaha African Nature iyo Suhuur Xasan Abiib oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkaddaas, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxa cusub ee ay soo kordhiyeen iyo sidii ay Shirkaddaasi kaga bilaabantay waddanka Canada, una soo gaadhsiiyeen dalkooda Hooyo.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Axmed Faarax Cadarre oo Xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan Dawlad ahaan iyo Bulsho ahaanba Ganacsiga Shirkadda African Nature ay soo kordhisay ee Giriimmada Dhirta Dabeeciga ah laga sameeyo ka kooban, kuwaas oo uu sheegay inay ka fiicnaan doonaan Kuwa Kiimikada ka samaysan ee Caafimaadka cidda marsataba waxyeelleeya.

Haddaba, Xafladdaasi sidii ay u dhacday, Hadalka Wasiir Cadarre ka jeediyey iyo Hadallada Masuuliyiinta Shirkadda African Nature, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.