Somaliland: Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka oo Madaxweyne Siilaanyo Xilka Ka Qaaday

Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud-Dheere) HANTI-DHAWRIHII GUUD EE SOMALILAND OO XILKA LAGA QAADAY 02 AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Hanti-dhawrihii guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud-Dheere), ayaa Madaxweyne Siilaanyo Xilka ka qaaday Caawa, sida lagu sheegay Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada.

Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud-Dheere) HANTI-DHAWRIHII GUUD EE SOMALILAND OO XILKA LAGA QAADAY 02 AUGUST 2017

Digreetada Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo xilka kaga qaaday Hanti-dhawrihii guud ee Qaranka, ayaa Nuqul ka mid ah oo mardhawayd caawa soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-4946/072017 uu xilkii kaga qaaday Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka.

Waxaanay u dhignayd digreetada madaxweynuhu sidan:-

Ku:      Mudane, Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud Dheere)

            Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka

Og:      Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

Og:      Xisaabiyaha Guud ee Qaranka                                                    

Og:      Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ujeeddo:        Xil-ka Qaadis:

Mudane, waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaas, waxaanad ku wareejin doontaa Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, oo si ku meel-gaadh ah u sii hayn doona, inta aan u soo magacaabayo mas’uul ku habboon xilka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.” Sidaa ayaa lagu yidhi Digreetada Xil-ka-qaadista Madaxweyne Siilaanyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.