Xaaladda Kenya oo Kacsan, Cabsi Hadhaysey Kalsoonida Doorashada & Dilkii Sarkaalka Komishanka oo Bannaanbaxyo Sababay

HOGGAAMIYAHA XISBIGA MUCAARADKA KENYA UGU WEYN IYO TAAGEERAYAASHIISA 2017

Nairobi(Aftahannews):- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa Bulshada dalkiisa ugu baaqay degganaan iyo xasilloonida inay dhawraan, ka dib markii Muran hadheeyey hawlaha doorashada guud ee waddankaas ka dhacaysa, kuwaas oo ka dhashay dilka Sarkaal sare oo ka tirsanaa Guddiga doorashada, isla markaana dejiyey nidaamka ammaan ee Kumputerrada codaynta doorashada, kaas oo Meydkiisa Jimcihii la helay, iyada oo doorashadu u muddaysan 8-da bishan aynu ku jirno.

HOGGAAMIYAHA XISBIGA MUCAARADKA KENYA UGU WEYN IYO TAAGEERAYAASHIISA 2017

Muddaharaaddo lagaga soo horjeedo dilkaas, ayaa ka bilaabmay waddanka Kenya, isla markaana Dibed-baxayaal tiro badan, ayaa tegay Xafiiska Guddiga doorashada, iyaga oo Cadaalad u dalbaday Christopher Msando oo 31-kii July Meydkiisa la helay, isaga oo nabarro ka muuqdaan, ka dib markii Boolisku sheegay in Jimcihii dhawayd la waayey.

MADAXWEYNAHA KENYA UHURU KENYATTA

Dadka u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadamaha, ayaa sheegaya in dilka Christopher Msando oo yimid toddobaad ka hor wakhtiga loo cayimay doorashada, isla markaana dilkiisu aanu ahayn mid si kamma ah u dhacay ee uu yahay ku talo-gal loo badheedhay, loona baahan yahay in si cadaalad ah loo caddeeyo cidda falkaas ku kacday oo Mucaaradku ku eedaynayaan dawladda iyo Xisbigeeda.

“Dalka Kenya waxaa ka jira dhaqan ah Saraakiil sare oo dhinta, la waayo ama si ula-kac ah loo dilo, taasoo nabadgelyo-darro ku keeni karta doorashada Kenya.” Sidaa waxa yidhi John Githongo oo u dhaqaaqa Xuquuqda Bulshada.

Chris Musando oo Guddiga doorashooyinka Kenya ee IEBC u qaabbilsanaa dhinaca farsamada Tecknoolajiyadda oo la dilay 31 July 2017

Chris Msando, ayaa toddobaadyadii u dambeeyey lagu arkayey Telefeshinnada Maxalliga ah isagoo sharraxaad ka bixinaya Qalabka uu Guddiga doorashadu u istcimaali doono doorasashada guud ee Kenya ka dhacaysa, waxaanu tilmaamay in nidaamku yahay mid adag oo aan loo dhici karin ama la jabsan karin, wax is-daba-marin ah ama musuqmaasuq ahna lagu samayn karin codadka.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Kenya Wafula Chebukati, ayaa sheegay inuu ammaan dheeri ah siin doono Shaqaalaha Guddiga doorashooyinka, waxaanu ballan-qaaday in doorashadu noqon doonto mid sax ah oo si nabadgelyo iyo cadaalad ah.

Xisbiga ugu weyn Xisbiyada Mucaaradka ah ee Kenya, ayaa Madaxweyne Kenyatta ku eedeynaya inuu isku dayayo inuu ku shubto doorashada, dilka Sarkaalkan nidaamka ammaan ee aan la dhici karin ama la jabsan karin u sameeyey Kumpuuterrada codaynta doorashadana uu u muuqdo mid dawladdu ku lug-leedahay. Hase-yeeshee, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa beeniyey eedaymahaas.

Chris Msando

Chris Msando oo ay Walaalo yihiin Khabiirka la dilay ee Christopher Msando, ayaa Warbaaahinta ay la hadleen isaga iyo Xubno kale oo Qoyskooda ka tirsani, isla markaana waxay Dawladda Kenya ka codsadeen in cadaaladda la mariyo cidda ka dambaysay dilka Wiilkooda, waxaanay Shacabka Kenya ugu baaqeen inay ka dhiidhiyaan dilka Farsamo-yaqaankaas ammaanka qalabka codaynta doorashada lagu ilaalinayo oo uu dilkiisu u muuqdo mid la doonayo in Xaqa Dadka Reer Kenya lagu duudsiyo oo codkooda la lunsado.

Doorashooyinkii u dambeysay ee Kenya ka dhacay 2013-kii, ayaa hannaankii codeynta iyo tirinta codadka ee ku shaqeynayay Kombuuterka uu guul-darreystay, isla markaana waxay taasi horseedday eedayma la xidhiidha in dawladdu doorashadaas kugu shubatay, taasoo keentay in isku dhac Taageerayaasha Mucaaradka iyo Muxaafidku isku dhacaan, halkaas ay ku dhinteen maalmo kooban Dad ka badan Kun Qof, halka ay in laba Kun oo Ruux ka badani ku dhaawacmeen, Tobannaan Kun oo kalena ku Barokaceen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.