Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabbilay Musharrax Cirro Markuu Guddoonka Golaha Wakiillada Iska Casilay, una sii Duceeyey – Akhri oo Daawo

MADAXWEYNE SIILAANYO OO U DUCEEYEY MUSHARRAX CIRRO OO GUDDOONKII BAARLAMANKA IS-CASILAY 02 AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabbilay Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ka dib markii uu xilkaas iska casilay gelinkii hore ee Arbacada Maanta.

MADAXWEYNE SIILAANYO OO U DUCEEYEY MUSHARRAX CIRRO OO GUDDOONKII BAARLAMANKA IS-CASILAY 02 AUGUST 2017

Madaxweyne Siilaanyo Qaabbilaaddiisa ka sokow, waxa uu u Duceeyey Cabdiraxmaan-Cirro oo wakhtigan ah Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaaradka ah ee Waddani iyo weliba Musharrixiinta kale ee ay ku tartami doonaan doorashada Madaxtooyada Somaliland oo u muddaysan inay dalka ka qabsoonto `13-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2017-ka.

Kulankaas Madaxweynaha iyo Musharrax Cirro oo ay Warbaahintu dibed-joog ka ahayd, markii uu soo dhammaaday waxaa si wada-jir ah ujeeddadiisa iyo waxa lagaga wadahadlay faahfaahin kooban ka siiyey Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr iyo Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro.

Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr oo ugu horreyn ka hadlaya kulankaas iyo waxay Madaxweynaha iyo Musharrax Cirro kaga wadahadleen, waxa uu yidhi; “Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu maanta soo booqday guddomiyaha ahna musharaxa xisbiga Waddani oo maanta si rasmi ah iskaga casilay xilkii mudada dheer uu u hayay qaranka ee ahaa Guddomiyennimadii Golaha Wakiillada.

“Madaxwaynuhu waxa uu guddomiyaha uga mahad celiyay wakhtiga dheer ee ay soo wada shaqeeyeen waxaanu ku booriyay inuu qaranku halkaa kasii taabo galo, wuuna u duceeyay musharaxa iyo Musharaxiinta kalaba wuxuuna ku booriyay in danta qaranka wax walba ay ka horraysiiyaan.” Sidaa ayuu yidhi Xuseen-Dayr.

Sidoo kale, Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro oo geestiisa kulankaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Maanta waxaan baneeyay jagadii Guddomiyennimo ee Golaha Wakiillada Somaliland, iyadoo doorashadii innoo qabsoomayso 13/ Novembar/ 2017, sidaa awgeed maaddaama oo aan Qaranka Masuuliyad u hayey waxaan soo booqday Madaxweynaha Qaranka oo aan ku war-gelinaayey in aan banneeyay hawshaas iyo dar-daaran iyo wuxuu isii farayaba waxaannu Madaxwayanaha isla fahamnay in Mudnaanta lasiiyo danta Qaranka doorashooyinkuna wakhtigoodii innoogu qabsoomaan.”

Haddaba, Kulankaas ama is-qaabillaaddaas Madaxweyne Siilaanyo iyo Musharrax Cirro iyo weliba hadalka kooban ee ay Warbaahinta ku siiyeen Madaxtooyada markii kulankaasi dhammaaday, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.