Wax garad isu keenay shir-guddoonka Wakiilada

Hargeysa(Aftahannews):- Ergo isugu jirta siyaasiyiin iyo wax garad ka tirsan Bulshada Somaliland,ayaa mar kale u kacay inay damiyaan khilaafka ka dhex taagan golaha Wakiiladda Somaliland.

Oday Cabdikariin Xaaji Xuseen(Cabdiwaraabe) oo  hoggaaminayay ergo ka socotay guurtida Somaliland iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo isna hoggaamiynay ergo ka socotay bulshada rayidka ah ee Somalland,ayaa soo galay markii uu furmay kulnaka maanta ee  golaha Wakiiladda oo uu shir guddoominayay guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).

Markii kulanku furmay  oo uu socdo Quraanku,ayuu Xaaji Cabdiariin Xuseen(Cabdiwaraabe) codsaday inuu hadlo.

Waxaanu golaha u soo jeediyay inay aqbalaan ergada isal markaana la joojiyo mooshinnada la isla garab ordayo goluhua uu aqbalo gurmadka loogu yimi.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland ayaa isna dhankiisa soo jeediyay in kulanka la xidho isla markaana la wada hadal siiyo shir guddoonka taasina waxay sababtay in golaha Wakiiladdu aqbalaan labada ergo ee u timi .

Sidaasna waxaa lagu xidhay fadhigii golaha Wakiilada,iyadoo ergadu isu gaysay markiiba shirguddoonka Wakiilada oo kulan ku wada yeeshay xafiiska guddoomiyaha golaha walkiiladda

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland.