“Waar Faqashtiiba tanaa ka darane iska Soco,Mise waanu ku xidhnaa.”

Hargeysa(Aftahannews):- Maanta,ayay ahayd markii ciidanka booliska qaybta nabadgelyada Waddooyinku ay xidheen qayb ka mid ah wadada wadnaha ee magaalada Hargeysa xilligaaso oo ahayd marka ugu mashqulka badan wadada wadnaha Hargeysa.

Waxaa is-goyska baar  Hargeysa xilligaa taagnaa qaar ka mid ah ciidanka nabad gelyada waddooyinka kuwaas oo celinayay gaadiidka doonaya inay u gudbaan dhanka Wasaaradaha,gaadhigii aan la socday waxaa qasab ku noqotay inuu soo wareego oo uu soo maro wadada Togdheer ka gdubta.

Waxaanu mar labaad soo gaadhnay isgoyska Madaxtooyada halkaana waxxa joogay ciidan boolis ah,waxaanu weyddiinay. “Waar ma faqashtiibaa maxaad wadada u xidhateen.”waxaanu asgarigii booliska ahaa noogu jawaabay “waar tanaaba ka darane iska soco mise waanu ku xidhnaa.”

Jawaabta uu bixiyay asgariga booliska ah ee waliba ay hanjabaadu la socoto ayaa muujinaysa tallaabooyinka ay Xukuumadda Siilaanyo qaadayso qaar ku jiqsii ah waxaanay dad badani is weydiinayaan sababta loo xidhay wadada wadnaha Hargeysa xilli aanay wax rabshad ahi jirin isla markaana ay kulan lahaayeen golaha Wakiiladda Somaliland oo gudahooda is hayay laakiin tallaabadan ayaa muujinaysa in Xukuumaddu ay ku leedahay is-qabsiga Wakiilada qaybteeda..

 Waxaana la odhan karaa waxay ka hor tegaysay in dadwaynuhu ka cadhoodaan faro galinta ay ku hayso golaha Wakiiladda.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland