Khabiir Guddiga doorashooyinka Kenya u dejiyey Nidaamka ilaalinta Kumbuyuuterrada Codaynta oo la dilay

Chris Musando oo Guddiga doorashooyinka Kenya ee IEBC u qaabbilsanaa dhinaca farsamada Tecknoolajiyadda oo la dilay 31 July 2017

Nairobi(Aftahannews):- Mas’uul Guddiga doorashooyinka dalka Kenya u qaabbilsanaa Maamulidda Hannaanka codeynta ee Kombuuterrada, ayaa Meydkiisa la helay maanta, iyadoo doorashada guud ee Kenya ay ka hadhsan tahay muddo hal toddobaad oo qudha ku siman.

 

Chris Musando oo Guddiga doorashooyinka Kenya ee IEBC u qaabbilsanaa dhinaca farsamada Tecknoolajiyadda oo la dilay 31 July 2017

Chris Musando oo Guddiga doorashooyinka Kenya ee IEBC u qaabbilsanaa dhinaca farsamada Tecknoolajiyadda, ayaa sameeyay hannaan uu ku sheegay in aan la jabsan karin Codbixinta doorashada.

Ninkan, ayaa la waayay Jimcihii la soo dhaafay, sida uu sheegay Boolisku. Wargeys ka soo baxa dalka Kenya, ayaa ku warramay in Meydka Musando la helay iyadoo jidhkiisa sare nabarro ka muuqdaan oo jidh-dil loo geystay.

KHABIIRKII GUDDIGA DOORASHADA KENYA U QAABBILSANAA KUMBUYUUTERRADA CODAYNTA DOORASHADA OO LA DILAY 31 JULY 2017

Doorashooyinkii u dambeysay ee Kenya ka dhacay 2013-kii, ayaa hannaankii codeynta iyo tirinta codadka ee ku shaqeynayay Kombuuterka uu guul-darreystay, isla markaana waxay taasi horseedday eedayma la xidhiidha in dawladdu doorashadaas kugu shubatay, taasoo keentay in isku dhac Taageerayaasha Mucaaradka iyo Muxaafidku isku dhacaan, halkaas ay ku dhinteen maalmo kooban Dad ka badan Kun Qof, halka ay in laba Kun oo Ruux ka badani ku dhaawacmeen, Tobannaan Kun oo kalena ku Barokaceen.

Chris Msando, ayaa toddobaadyadii u dambeeyey lagu arkayey Telefeshinnada Maxalliga ah isagoo sharraxaad ka bixinaya Qalabka uu Guddiga doorashadu u istcimaali doono doorasashada guud ee Kenya ka dhacaysa, waxaanu tilmaamay in nidaamku yahay mid adag oo aan loo dhici karin ama la jabsan karin, wax is-daba-marin ah ama musuqmaasuq ahna lagu samayn karin codadka.

Balse Jimcihii, ayaa la waayey isagoo ku sugnaa Nairobi, waxaana shalay Meydkiisa sida Boolisku sheegay, iyadoo aan illaa hadda la garanayn sababta rasmiga ah ee dilkiisa keentay toddobaad ka hor waqtiga doorashadu u muddaysan tahay iyo cidda dishay toona.

Qiyaasihii u dmabeeyay ee soo baxay waxay sheegayaan in madaxweynaha xilka haya Uhuru Kenyatta iyo Musharraxa Mucaaradka Raila Odinga ay aad isugu dhaw yihiin ama dhawaan doonaan codadka doorashada.

Xiisad ayaa ka taagan guud ahaan dalka Kenya iyadoo laga casbi qabo inay dalka ka dhacaan rabsahdo marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada ka dib sidii 2007-dii dhacday oo kale. Balse, Khoborada ayaa saadaalinya inaanay dalkaas ka dhici doonin rabshado la mid ah kuwii dhacay toban sano ka hor oo 1,200 oo Qof ay ku dhinteen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.