Malleeshiyo dagaal ku dhex maray bar kaantarool oo ay lacago gaadiidka kaga qaadaan

Afgooye (Aftahannews):-Malleeshiyo hubaysan,ayaa ku dagaalamay bar kaantarool oo ku taalla duleedka  degmada Afgooye,  halkaas oo ay ku geeriyoodeen  inta la ogyahay sadex ka mid ah malleeshiyada dirirtay halka ay shan kalena ku dhaawacantay.

 Malleeshiyadda dagaalantay,ayaa la sheegay inay isku laayeen lacagtii ay ka qaateen barta kaantarool oo  ay wada lahaayeen  kana soo gashay lacag badan oo ay ka qaadeen gaadiidka  halkaa soo mara.

Ugu yaraan sadex ka mid ah maleeshiyo hubaysan,ayaa ku geeriyooday ka dib markii ay ku dagaalameen laba koxood oo malleeshiyo hubaysan ah  oo isku dilay bar kaantarool oo ay isku qabteen. Seddex Maleeshiyo ah, ayaa

Geeriyootay 5 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii ay ku dagaaleeen Isbaaro u taallay Meel la yidhaahdo Cismaan Duure oo 20KM  dhinaca Galbeed kaga beegan Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maleeshiyada dagaalantay  ayaa la sheegay inay ku dagaalameen Lacagihii ay Isbaarada ka qaadayeen sida ay warbaahinta u sheegeeb dad goob joog ahaa.

Dadkan oo  xog ogaal ahaa ayaa intaas ku daray in raggan isbaarada u taallay ay ka baxeen Degmada Afgooye markii Ciidamada dowladda ay halkaasi tageen iyagoo bar kaantarool dhigtay  deegaankan oo ah  duleedka  Degmada Afgooye.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland