Wasiirka Gaashaandhiggu muxuu ka yidhi socdaalka la sheegay in Buuhoodle uu ku imanayo M/ku-xigeenka Puntland

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland,ayaa wax aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararka ay Maamul goboleedka Puntland ku sheegeen in Madaxwyne ku-xigeenka Puntland ku imanayo magaalada Buuhoodle.

 Wasiirka wasaaradda Gaashaanddhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa sheegay in hanjabaadda Puntland ay tahay cid iska hadlaysa oo aan waxba geysan Karin,waxaanu intaa ku daray inay yihiin qaar riyoonaya oo iska hadlaya.

 Wasiir Cadami oo waraysi gaar ah siiyay shabakada wararka ee Gudgudenews.com waxaa kaloo uu ka hadlay waxyaabaha u soo qabsoomay intay safarka ugu maqnaayeen gobolka Sanaag.

Ugu horrayn Wasiir Cadami oo ka hadlayay waxyaabaha u qabsoomay meelaha ay soo mareen wuxuu hadalkiisa ku bilaabay.

“Waxyaahaba noo soo qabsoomay wey badan yihiin waxaanu la kulanay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada,waxaa kaloo aanu soo dhamaynay arrimo ciidan  oo jiiddaa ka jiray.”

Ayuu yidhi Axmed Xaaji Cali Cadami Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland.

Wasiir Cadami oo la weydiiyay waxyaabaha ugu weyn ee la taaban karo ee ay ka soo qabteen gobolka Sanaag,ayaa ku jawaabay.

“Wax badan oo dhab ah ayaanu ka soo qabanay gobolka Sanaag,wax kaleba iska daayoo xataa Cisbitaalkii guud ee magaalada Ceerigaabo oo aan shaqaynayn isla markaana xidhnaan ku dhawaaday dib ayaanu u hawl galinay waxaana guul ahayd in Wasiirka Caafimaadka Somaliland uu halkaa noogu yimi oo waday koox dhan oo Dhakhaatiir ah,waxaana dib markiiba loo hawl galiyay dhakhtarkii Ceerigaabo oo ka guur ahaa,waxaa kaloo aanu soo marnay dayaxa  oo taariikhda  fac weyn ku leh halkaana waxaa laga soo dhagax dhigay dugsi boodhin ah oo caafimaadka ah,waliba annaga dhagaxayagu kii la iska dhigi jiray maaha ee rasaastayadu way dhacdaa ama  maba ridno,dadkana wax muuqda ayaanu u qabanaynaa inta Xukuumaddayadu jrto waxaanu u taagannahay wax qabadka Somaliland dal iyo dadba.”

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo la weydiiyay waxa Somaliland ahaan uga meel yaalla Puntland oo sheegtay in Maadaxweyne ku-xigeenkoodu imanayo Buuhoodle,ayaa ku jawaabay.

“Horta nin Dawladnimadu u cusubtahay wuxuu doono wuu iska odhan karaa laakiin waxaan kuu sheegaya inay nagu xiiqayaan,oo kuwii horeba intay indhadha isku soo qabtaan oo marba Laascaanood isa soo hortaagaan ayay dib u noqon jireen,markaa kuwanna waxaan leeyahay indho isku qabad horaa waxba naloogaga qaadi waayay,difaaca dalkana diyaar baanu u nahay maanta maalin ay Somaliland ka ciidan wacan tahay ma jirto tiro iyo tayaba loona baqan maayo qarannimada Somaliland.”

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland

Xigasho Gudgudenes