Wasiir Waran-cadde oo Xabsiga Dhigay Guddoomiyaha Guddiga Beesha Habar-yoonis iyo Xubno kale

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND CALI WARAN-CADDE

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Guddiga Beesha Habar-yoonis ee Talo iyo Tawfiiq Xasan Xuseen iyo xubno kale oo Guddiga ka tirsan, ayay Ciidammada Boolisku Xabsiga u taxaabeen caawa, ka dib markii ay ka qabteen magaalada Hargeysa.

index

Guddoomiyaha Guddiga Habar-yoonin ee Talo iyo Tawfiiq iyo Xubnaha la socday ee Boolisku xidhay, ayaa la sheegay amarka lagu xidhay caawa cawaysinkii dambe in uu bixiyey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen ila-wareedyo labada dhinacba u dhuun-daloola oo aannu warkan ka helnay.

Si rasmi ah illaa hadda looma oga sababta xadhigga xubnahan kaeentay, hase-yeeshee, sida ay Shabakadda wararka ee Aftahannews u tibaaxeen ila-wareedyadu, waxa loogu xidhay amarka uu bixiyey Wasiir Waran-cadde oo isla Beeshaas ka soo jeeda.

Warku waxa uu intaa ku daray in la tuhunsan yahay in Xubnahan lagu xidhay Shir ay caawa Huteelka Kaah ee Bariga magaalada Hargeysa kula yeesheen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Waxa la sheegay markii ay Guddoomiyaha Guddiga Talo iyo Tawfiiq Xasan Xuseen iyo Xubnaha kale ee Guddigaasi markii ay ka soo baxeen Shirkaas ay Guddoomiye Cirro la yeesheen in Ciidammadu meelo aan kala fogeyn oo isla Xaafadda New Hargeysa ah ka qabteen.

Inkasta oo ay wararka Aftahannews ay helayso qaarkood sheegayaan in sababta xubnahaas loo xidhay la xidhiidho Muddaharaad aan saacado badan sii socon oo caawa cawaysinkii ka bilaabmay goobo ka tirsan Xaafadda New Hargeysa, Degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa lagu xidhiidhiyey, ka dibna sidaa lagu xidhay, haddana illaa hadda Xukuumadda iyo Masuuliyiinta Ciidanka Ammaanka Somaliland kamay hadal xadhigga Xubnaha Guddigaas.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.