Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Australia oo Magacaabay Xilal Cusub

Australia(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee dalka Australia Axmed Maxamuud (Axmed-weyne), ayaa shalay magacaabay Xilal cusub oo ka mid ah Xilalka kala duwan ee Hawlaha Xisbiga ee dalkaas.

 

 

 

 

Qoraalka Magacaabista uu Sameeye Guddoomiye Axmed-weyne oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews Maanta, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Tixraac/XK/XKAUS/0004/2017                                       22/07/2017

Ku: Mulkiya Cabdi Cilmi.

Ku: Yuusuf Jaamac Dhinbiil.

Og: Gudoomiyayaasha Gobolada Ustareeliya.

Og: Xarunta Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Hargeysa.

Ujeedo:  Magacaabis Xil

Aniga oo ka duulaya dardar gelinta hawlaha xisbiga Iyo horumarkiisa ee waqtigan taagan,
waxaan u magacaabay labadan xil ee hoos ku qoran Laba qof oo xisbiyahan ah aadna ugu qaali ah Xisbiga  Kulmiye.

Markaan la tashaday Guddiga Fulinta ee Xisbiga Kulmiye isla markaana aan ku qancay shaqadooda,
iyo inay  hanan karaan hawlaha loo igmaday, waxaan  go’aansaday in laga bilaabo maanta (22/07/2017),
ay ahaadaan:-

1-Mulkiya Cabdi Cilmi. Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye ee dalka Ustareeliya.

2- Yuusuf Jaamac Dhinbiil. Gudoomiyaha Garabka Dhalainyarada Ee Xisbiga Kulmiye Ustareeliya.

Waxaan Ilaahay uga baryeynaa in u fududeeyo, Xilka as culus Ee loo magacaabay. Alla baa mahad leh. Wada shaqayn wacan.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.