Wasiir Xirsi oo Iska Difaacay Eedaha uga Imanaya Weerarka ay ku qaadeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xassan, ayaa iska difaacay eedaymaha uga imanaya weerarka ay Xukuumaddu ku qaadday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo uu waddanka Ingiriiska uga soo hanjabay laba toddobaad ka hor oo uu dalkaas ku sugnaa.

Wasiir Xirsi ayaa ka jawaabay eedaymo ay u jeediyeen Guddoomiya Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah Xildhibaadannada Golaha Wakiillada Wasiir Xirsi oo maanta waraysi ku siyay Xafiiskiisa TV-ga HCTV, ayaa sheegay in golaha wakiilada somaliland yihiin gole madax banaan oo sharciga dalku siyay inay u madax bannaanadan Sharciyaddooda ay ku shaqeenayaan ka Xukuumad ahaana aannu u Madax bannaanahay sharciyaddayda inaannu ku shaqeenno.” Wasiir Xirsi waxa kale oo uu sheegay inaan wax fargelin ah ku hayn Golaha Wakiillada.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xassan waxa kale oo uu iska difaacay hadal ka soo yeedhay qaar ka mid ah Golaha Wakiillada oo sheegaya inuu uga soo hanjabay magaalada Liverpool ee dalka UK Wasiirku waxa uu yidhi; “Hanjabaadda ay sheegayaan ma jirto, balase waxa na dhex-maray kaftan aannu ku kaftamaynay in loollan siyaasadeedna dhex-maraayo Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye iyo Xisbiga mucaaradka ee WADDANI. Laakiin, waa ayaan-darro in kaftankii laga dhigo hanjabaad.”

Halkan Ka Daawo

Aftahan News

Hargaisa/Somaliland