Dooddii Golaha Wakiillada Somaliland oo isu beddashay Gacan Ka Hadal iyo Booliska oo Xoog Ku galay Xarunta Golaha

Hargeysa(AftahanNews):- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa laysku mari wayay Dood  kulul oo sababtay inay Faraha isula tagaan Xildhibaannada Wakiilladu, ka dib markii fadhiga Golaha ee maanta la soo hor-dhigay mooshinno kala duwan oo isku lid ah oo ay Mucaaridka iyo Muxaafidku kala wataan.

Mooshinnada ay Xildhibaannadu ku kala argti duwanaayeen, mooshin hore ay u an sixiyeen goluhu oo ah hab maamuska shir gudoonka Doodan ayaa markii danbe isu badashay gacan ka hadal taasina waxay sababtay inay hoolka shirarka ee golaha wakiilada somaliland ay xoog ku soo galaan ciidamada booliska somaliland 

ssee

Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa ka hadlay iyagoo shegay in ciidamada soo galay Hoolka golaha wakiilada ay sharci daro kusoo galeen taasina ay tahay mid waxa u dhimaysa jirtaanka iyo kala danbaynta shuruucada dalka u yaala

Halkan Ka Dhageeso Ciidamada Booliska Oo Xoog Ku Galay Aqalka Golaha wakiilada somaliland Iyo Xildhibaano Dhaliilay

Aftahan News

Hargaisa/Somaliland