”Waad Arkaysaan Xukuumadda Kulmiye ee markii aan Mucaaradka ahayn ku faani jirnay in… ..” Xil. Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa(AftahanNews):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ee Xisbiga KULMIYE ka soo baxay, ayaa Xukuumadda Xisbigaas ka soo jeedda ee talada haysa ku eedeeyey inay faro-gelin qaawan, weerar iyo dagaal ku hayso Golohooda, isla markaana ay bilawday dhaqan uu Madaxweyne Siilaanyo iyo KULMIYE ku caayi jireen Xukuumaddii UDUB.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo maanta xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa Weriyeyaasha kula hadlay, ayaa ka dayriyay Xukuumada talda dalka haysaa sida ay ula dhaqmayso Warbaahinta madaxa-bannaan, Xisbiyada Mucaaridka ah iyo weliba Golaha Wakiillada ee uu ka tirsan yahay.

Xildhibaanku waxa uu sheegay In markii ay mucaaridka ahayneen ay ku faani jireen in ay Saxaafaddu Xor ahaan doonto, isla markaana ay ku dhalliil jireen Xukumaaddii Daahir Raayale Kaahin in ay cabudhin ku hayso Warbaahinta.

Halkan Ka Daawo

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.