Wasaaradda Hawlaha Guud oo Badhasaabka Togdheer ku eedaysay inuu iibiyey Dhul Dan-guud ah & Jawaabta Ramaax

DHUL WASAARADDA HAWLAHA GUUD KU EEDAYSAY INUU IIBIYEY BADHASAABKA TOGDHEER RAMAAX 19 JUNE 2017

Burco(Aftahannews):- Wasaaradda Hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland, ayaa Badhasaabka gobolka Togdheer ku eedaysay inuu iibiyey Dhul Dan guud ah oo ku yaalla magaalada Burco, kaas oo ay sheegtay inaanay haba-yaraatee wax ay ka ogtahay iibkiisa Wasaarad ahaan jirin, isla markaana Dhismayaal laga bilaabay yihiin kuwo sharci-darro ah.

DHUL WASAARADDA HAWLAHA GUUD KU EEDAYSAY INUU IIBIYEY BADHASAABKA TOGDHEER RAMAAX 19 JUNE 2017
DHUL WASAARADDA HAWLAHA GUUD KU EEDAYSAY INUU IIBIYEY BADHASAABKA TOGDHEER RAMAAX 19 JUNE 2017

Dhulkaas oo ku yaalla Guryaha Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Togdheer ee magaalada Burco, kuwaas oo ah Guryo ay Dawladdu leedahay oo Hadba Cidda Xilalkaas haysaa ay gasho. Balse, Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa geestiisa sheegay in Dhulkaas uu lahaa Nin dhintay oo Ina Raan lagu magacaabi jiray, sidoo kalena qayb uu iibiyey, qaybta kalena Mag loo siiyey Dad Shacab ah, intaa wixii dheerina tahay shaqo iyo hawl Xukuumadda u taalla.

Hase-yeeshee, Isu-daha gobolka Togdheer ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Cabdillaahi Cabdi Cige oo magaalada Burco Saxaafadda qaarkeed kula hadlay Maanta, ayaa sheegay in Xabbad loogu hanjabay mar ay isku dayeen inay tagaan dhismayaasha laga wado halkaas, isla markaana aanay sharci noqon doonin Dhismayaasha ka socda dhulka uu ku eedeeyey in uu iibiyey Badhasaab Ramaax.

Waxaannu Hadalkiisa, isaga oo faahfaahinaya Isu-duwaha Wasaaradda Hawlaha guud ee gobolka Togdheer Cabdillaahi Cabdi Cige, aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.