Soomaaliya: Maxkamad Ciidan oo Xukun Dil iyo Siiddayn ah ku Ridday Rag ku edaysnaa Dilkii Wasiir Cabbaas Siraaji

LABADA NIN EE MIDKOOD MAXKAMADDU DILKA KU XUKUNTAY MIDNA SIIDDAYNTA EE U XIDHNAA DILKII WASIIR CABBAAS SIRAAJI 19 JUNE 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa Isniintaa Maanta Xukun dil ah ku ridday Nin ka mid ah Rag ku eedaysnaa dilka Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya Marxuum Cabbaas Siraaji.

LABADA NIN EE MIDKOOD MAXKAMADDU DILKA KU XUKUNTAY MIDNA SIIDDAYNTA EE U XIDHNAA DILKII WASIIR CABBAAS SIRAAJI 19 JUNE 2017
LABADA NIN EE MIDKOOD MAXKAMADDU DILKA KU XUKUNTAY MIDNA SIIDDAYNTA EE U XIDHNAA DILKII WASIIR CABBAAS SIRAAJI 19 JUNE 2017

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Darajada Kowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya Gashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee Maxkamaddu ku ridday Dable Ciidanka Xoogga Soomaaliya ka tirsanaa oo lagu magacaabo Axmed Cabdullahi Ceydiid.

Waxa uu Guddoomiyaha Maxkmaddu sheegay inay dhageysatay Maxkamaddu caddeymo ku filan oo muujinaya in Xasan uu toogasho ku dilay Marxuun Cabbaas Cabdillaahi Siraaji 31-ka Bishii May ee sannadkan 2017-ka, markii ay caddaymahaas ku qanacday ka dibna ay go’aankan gaadhay.

Seddex Alifle Cusmaan Salaad Barre oo isna ahaa eedeysane kale ayey Maxkamaddu ku xukuntay in la sii daayo. Cismaan iyo Xasan, waxay ilaalo u ahaayeen Hanti-dhowrihii guud ee Qaranka Soomaaliya oo isna xilka si degdeg ah Xukuumaddu uga qaadday, Madaxweynuhuna ayiday, maalin ka dib markii dilkaasi dhacay.

Dilka Cabaas Siraaji oo ahaa Wasiirkii ugu da’da yaraa Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Raysal-wasaare Xasan Khayre soo dhisay, ayaa aad looga xumaaday, loogana murugooday.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.