London: Khasaaraha Weerar Argaggixiso Muslimiin Masjid ka soo baxay ku qaadday & Geesinnimada Soomaalida

WEERARKA MUSLIMIIN MASJID KA SOO BAXAY LAGU QAADAY XALAY WAQOOYIGA LONDON 19 JUNE 2017

London(Aftahannews):- Inta la xaqiijiyey Hal Qof ayaa dhintay, Toban kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii weerar argaggixiso lagu qaaday Dad ka soo baxay Masaajid ku yaalla magaalada London oo ay Salaaddii Taraawiixda ku tukanayeen xalay.

WEERARKA MUSLIMIIN MASJID KA SOO BAXAY LAGU QAADAY XALAY WAQOOYIGA LONDON 19 JUNE 2017
WEERARKA MUSLIMIIN MASJID KA SOO BAXAY LAGU QAADAY XALAY WAQOOYIGA LONDON 19 JUNE 2017

Booliisku waxay sheegeen in siddeed ka mid ah dadkaas loola cararay Isbitaal qaarkoodna ay dhaawacyo halais ah qabaan ka dib markii ay ku dhaawacmeen weerar argaggixiso. Nin 48 jir ah ayaa loo xidhay weerarkaas ka dhacay agagaarka Masaajidka degmada Finsbury Park ee Waqooyiga magaalada London. Dhacdadan ayey Boolisku ku tilmaameen Shil weyn.

Shilkan ama weerarkaasi wuxuu ka dhacay Waddada Seven Sisters. Ciddammada Booliska ayaana goobtaas isku gadaamay. Guddiga Muslimiinta ee Britain, ayaa sheegay in Gaadhi si u kas ah loo jiidhsiiyey Dad cibaadeysanayay.

Adeegga Gawaadhida gurmadka degdega ah ee London, ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay u direen tiro ka mid ah shaqaalahooda caafimadka. Muuqaal baraha bulshada lasoo gelliyay dhacdada ka dib, ayaa muujinaya argaggaxa goobtaasi ka dhacay iyadoo Dadka halkaasi ku dhawacmayna loo gurmaday iyo sidoo kale Ninka Gaadhiga Dadka jiidhsiiyey oo ay Gacanta ku dhigeen Muslimiinta goobtaas ku sugnaa, gaar ahaan Xubno Soomaali ah.

Dadkaas Ninka qabtay, ayaa sida Muuqaalka lagu daawaday, Af-Soomaali ku hadlayey; “Xejiya oo ha dilinna, yuu baxsannin..” weedhahaas iyo kuwo kale ayaa ka mid ahaa hadallada Muuqaalka laga daawaday ee ay Muslimiinta Soomaalida ah ee Ninkaas qabtay qaarkood ku dhawaaqayeen. Waxaanay markii Boolisku goobtaas yimi ku wareejiyeen Ninkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.