Baashe Cawil oo ka Warramay Baadhitaan lagu Wado Xaafidkii Dubai Soo Eriday oo Hargeysa lagu Xidhay iyo Safarka Siilaanyo

WAKIIL BAASHE CAWIL IYO XAAFIDUL QUR'AANKA ISMAACIIL CUMAR MADAR IYO SABABTA HARGEYSA LOOGU XIDHAY 16 JUNE 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Baashe Cawil Cumar, ayaa ka war-bixiyey ujeedda Safar uu Madaxweyne Siilaanyo ku tegi doono Imaaraadka Carabta iyo Wiilkii Xaafidul Qur’aanka ahaa ee Dubai kaga qaybgalay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee ay Dawladdaasi soo celisay Ismaaciil Cumar Madar oo wakhtigan ku xidhan Hargeysa.

WAKIIL BAASHE CAWIL IYO XAAFIDUL QUR'AANKA ISMAACIIL CUMAR MADAR IYO SABABTA HARGEYSA LOOGU XIDHAY 16 JUNE 2017
WAKIIL BAASHE CAWIL IYO XAAFIDUL QUR’AANKA ISMAACIIL CUMAR MADAR IYO SABABTA HARGEYSA LOOGU XIDHAY 16 JUNE 2017

Baashe Cawil waxa uus heegay in Madaxweyne Siilaanyo Safarka uu ku tegayo magaalada Dubai ee xarunta Imaaraadka Carabtu yahay mid isaga u gaar ah, isla markaana qaadan doono muddo toban Maalmood ah. Hase-yeeshee, waxa faahfaahin ah oo kale oo intaa dheer Baashe kama sheegin Safarka Madaxweynaha Somaliland.

Wareysi Shabakada SomalilandSpan.com wax kaga weydiisay Baashe Cawil Cumar, isagoo ku sugan magaalada Dubai, sababta keentay in dalka Imaaraadka laga soo mustaafuriyo Ismaaciil Cumar Madar oo Somaliland u dhashay, balse Soomaaliya kaga qaybgalay Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Dubai lagu soo gebo-gabeeyey maalmo ka hor, balse sheegay in la soo mastaafuriyey oo ay saamaysay Xiisadda dawladda Qadar ay Waddamada Carabta ee Dubai ka mid tahay xidhiidhka ugu jareen oo ay Soomaaliya dhex-dhexaad ka istaagtay, halka ay Somaliland ka taageertay.

Hase-yeeshee, Safiir Baashe Cawil, ayaa sheegay in Ninkaasi  maanta Ciidammada Ammaanka Somaliland ku qabteen Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, isaga oo sida uu sheegay u dhoofaya Dalka Qadan. Waxaanu intaas ku daray Baashe in Hay’adaha Ammaanku baadhitaan ku wadaan Wiilkaas oo hadda ku xidhan Hargeysa.

“Ninkaa Ismaaciil Cumar, markuu Imaaraadka imanayey Wasaaradda Diinta & Awqaaftu ma ogeyn, Xafiiska Somaliland ee Imaaraadkana lamu soo xidhiidhin, hawshiisa waxa watay qolyo reer Koonfureed, oo Muqdisho ah. Balse markuu soo gaadhay Dubai, waxa uu u muuqday Nin qorshahiisu ka weynaa ka qeybgalka Tartanka Qur’aanka, maxaa-yeelay waxa uu Baraha Bulshada ku baahinayey Dacaayado ka dhan ah Waddamada Carabta, markuu Tartankii u gudbi waayey gebagebadii sidii qorshahu ahaa waa la soo celiyey inta abaalmarintii uu helay la siiyey.” Sidaa ayuu yidhi Baashe Cawil Cumar.

Mar Baashe Cawil la weydiiyey, haddii aan laga soo mustaafurin Dubai, maxaa keenay inuu sidaa Warbaahinta ka sheego, waxa uu ku jawaabay; “Markii qorshahii loo keenay Imaaraadku guul-darraystay, ka dibna isaga iyo qolyahii kale u beddeleen inay warar aan jirin ku faafiyaan Warbaahinta, nasiib-wanaag, maanta (shalay) ayey Ciidammada Ammaanku ku qabteen Madaarka Cigaal, Isaga oo u socdaalaya dalka Qatar.”

Baashe Cawil oo la sii weydiiyey sababta Ciidammada Booliska u qabteen waxa loo fasiran karo, waxa uu ku jawaabay; “Ciidammada Ammaanku xilligan baadhitaanno la xidhiidha arrinkiisa ayey wadaan, markuu u dhammaadana, iyagaa faahfaahin ka bixin doona sababaha loo qabtay, xaqiiqada qorshahiisana Bulshadu way ogaan doonaan.” Sidaa ayuu yidhi Baashe Cawil.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.