Madaxweyne Siilaanyo Muxuu Magacaabay, Muxuuse Isku Beddelay Caawa? Akhri Magacyada Xubno la Is-dhaafiyey

Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isku beddelay Saddex Agaasime guud oo hore u kala ahaa Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Waxbarashada, Warfaafinta iyo Qorshaynta Qaranka, saddexdaas oo uu is-weydaariyey.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO
MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO

Waxaa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed Xambaarsanaa Digreetada Madaxweyne Siilaanyo ku kala beddelay Saddexdaa Agaasime guud oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr, kaas oo Nuqul ka mid ahi mardhawayd caawa soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu caawa digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4891/062017 uu ku magacaabay la-taliye madaxweyne, isagoo isku bedelna ku sameeyey qaar ka mid ah agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha dalka.

Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagada La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay:   In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday; In Mudane, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Dabagale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga (Bedel hore hoggaanka hawlgelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland).

Isku bedelka Agaasimeyaasha Guud

Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay:  In baahi loo qabo magacaabidda jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Waxbarashada & Tacliinta Sare, Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta iyo Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

Markuu La Tashaday:  Madaxda ay khusayso; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan; Wuxuu go’aansaday;

  1. In Mudane, Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Warfaafinta iyo wacyigelinta).
  2. In Mudane, Cabdi Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Waxbarashada iyo Tacliinta Sare).
  3. In Mudane, Hassan Cumar Hoorri, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta). Allaah Mahad leh.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadka Digreetada Madaxweyne Siilaanyo xambaarsanaa ee Aftahannews.com soo gaadhay caawa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.